Kooxda Mbagathi
& Kadeedka Ummadda PART2.
Oday
Soomaaliyeed ayaa waxaa halhays u ahaan jirtay Soomaali aragtayaa,
yaab aragtayaa!
Dunidan cid walba soo martay! Wali lamahayo dad dalkooda iyagu
gacantooda ku burburiyay, kuwo asturta oo dhista mooye, lama
hayo dad calan iyo Dawladnimadoodi iska tuura oo duli ka doorta.
Iska dhaaf Dunidan oo dhan oo dhafoorada haysta oo la yaaban
dadka Soomaaliyeed waxa ay ka samaysan yihiin, ee anagaa xitaa
yaaban oo waxaanu la yaabanahay dadkan sidii diirta wax walba
fiiqanaya ama sidii hamaadaygii wax walba leefaya meesha ay
ku jireen shalay ee ay ku qarsoonaayeen iyo dadka noocas ah
ee aanu aragnay sida aanu isku dad iyo dalba u nahay.
Aduunka siyaasad iyo caqli ayaa la isku dhaafay. Ma jiraan
Soomaali aan caqli lahayn. Qof aan xitaa cilmi lahayn waa
fahmi karaa in nalaga caqli badiyay oo cadawga Soomaalida
middidii aan isku dooxi lahayn daabkeeda gacanta loo galiyay
kuwo Soomaali ah (Kooxda Imbadhati). Sida ay wax u socdaan,
marka kumanyaal albaabada qaxootinimada loo furay, oo kumanaan
kalena abaar dhamaynayso iyo kuwo kale oo dalka gudihiisa
ku macluulsan oo Dawladii u miciini lahayd kolba cid lug goynayso
iyo dalkii oo la kala qaybiyay, natiijada sida ay noqon doonta
Ilaahay mooye, cid kale oo sheegi karta ma ay jirto.
Aduunku waa dugsi weyn oo nolosha ayaana macalin ka ah. Waxaadna
maalin walba la kulmaysaa waxyaalo aad la yaabto. Hadii ay
dhacdo dad Soomaaliyeed oo walaaladaa ah iney nolasha idin
kulmiso oo aad la yaabto dhaqan xumadooda iyo mararka qaar
xumaatada ku jirta, waxaysan ka fursanayn inaad iska dul qaado
oo aad baryo iska wado si aad u ogaato maalinba maalinta xigta
sida ay u fakarayaan, xumaatada ku jirta, sababta ay ugu jirto,
inta ay gaarsiisan tahay, waxyaalaha khuraafadka ah ee ay
iska dhaadhiciyeen ama aaminsan yihii.
Soomaalidu maxay horte runta uga baqdaa wax kasta oo kalaba
waata ku dhiiranaata ee? May Soomaalidu runta isu sheegto?
Ragan burcada iyo argagaxisada ah ee ay ku dul ingegeen dhiiga
dadka Soomaaliyeed cidina ma hoos timaado. Cid ini hoos imanaysa
ayaanba jirin, war hooy! Inta goori goor tahay Soomalinimada
raadiya oo ka waantooba xaarantaan aad macaansateen, waayo
xaraani cawaaqib xumo ayeey leedahay.
Midda kale, qof kasta oo dunidan ku kor nool waa kii maalin
uun dhinta, kumanaankii Saraakiil iyo dhiigyacab ahaa ee xasuuqa
shacabka Soomaaliyeed ka danbeeyay soow aduuna kama aysan
tagin, aakharana kuwo cadaabta galaya soo ma aha, ileen dhiigi
ay daadinayeen dhiig Amxaaro muusan ahayn ee waxay kuwaasi
dilayeen oo ay xasuuqayeen walaalahooda. Dad Soomaaliyeed
oo Muslim ah. Kuwan maanta wax maamulaya ee isu haysta wadaniyiinta,
iyagana Taariikhda ayaa qori doonta sida ay wax u dhigaan!
Maxamed Siyaad oo la wadaa ogaa inuu aad u necbaa Amxaaro
oo waliba dagaal uu la galay 1977, hadii uu maanta ogyahay
inu dalkii Amxaar u taliyo, wax badan ayuu xabaasha dhexdeeda
ka qosli lahaa.
Hadaba hadii aan isku dayo in aan ka xog waramo Kooxda Imbaghati
oo shacabka Soomaaliyeed kula kacday wax ala wixi kharbudaad
iyo kharibaad ahaa ee loo adeegsan lahaa cadawga Somaliya,
oo aan xitaa cidina loo aabo yeelin, marka hore waxaan kaga
bilaabaya Odayga Cabdullahi Yuusuf.
Cabdullahi Yuusuf Axmed.
Halgamaagi Xoriyada iyo Qaranimada Ummada Soomaaliyed Sayid
Maxamed Cabdalle Xasan hadi uu maanta xabaasha kasoo bixi
lahaa, waxaan shaki ku jirin inuu odhan lahaa ( War ma khaa,inkii
waynaa ee Cabdullahi Yuusuf ayaa wali idink ku dhex jira,
oo aydaan iska qaban).
Maxaynu marka isuba sheegaynaa hadaan Soomaali nahay? Haduuba
kaasi Madaxweyne idiin yahay marka Amxaarkuna waa Xaaji! Hitlerna
marka waa Wali! Caydiidkii dhintayna waa Shariif.
Mujrimkii ugu waynaa siyaasiyiinta saxaroobay ee Soomaaliyeed
haduu yahay Madaxweyne waa waxa Ilaahay u duleeyay Soomaali.
Tola´ay oo Tol beelay! Awood aan kusoo qabto ayuun baanan
lahayn ee Mujrimkaas oo kale wuxuu mudnaa inuu maanta labada
gacmood iyo labada lugood ee xun xun ka katiinadaysnaado oo
uu xabsigii Gaalshire ku googo´o.
Tii dhashay isaga haday ogaan lahayd inuu maalin maalmaha
ka mid ah buulkeeda iyo dalkeedaba dab qabadsiin doono, habeenkay
dhashay bay waraabaha u tuuri lahayd, ka ciyayay meelahaas
baadiyaha ahaa ee ay ku dhashay.
Cabdullahi Yuusuf wuxuu ahaa ninkii ummada Soomaaliyeed u
horseeday Amxaaro iyo meel baas isagoo waxa dabada ka wada
uu ahaa cuduradii caanka ahaa ee qabiilka dhigiisu ku shaqeeyo,
hunguri weyni aan wax tar lahayn, iyo xaar ka buuxni.
Walee Soomaali baan hagaagin! Caydiid iyo Cali Mahdi oo la
wada ogyahay xasuuqay gaysteen ayaa wadaniyiin noqonaya marka
loo eego khaa,inkaas dalka Soomaaliyeed iyo Ummada Soomaaliyeed
karaamadeedi iyo jiritaankeedi ku galgashay. Xitaa kuwa qabiil
ahaanta u daba ordaya iney qalbiga la,yihiin waligoodba isma
aysan waydiin dhibaatooyinka uu u keenay ninkaasi.
Haddaba Cabdullahi Yuusuf maanta waa nin da, ah oo aan ka
yarayn Fidel Castro. Soomaalidu waxay tiraah : Geeriyi hadey
ku deyso, gabow baan ku deyn. Waxaaba marka dhici karta inuusan
muddo dheerba inala sii joogin Korneylku. Waxaana haboon inuu
isaguna ummada Soomaaliyeed cafis waydiisto ummadduna iska
cafiso haduu geesinimadaas la yimaado.
Cabdullahi Yusuf Soomaali ayaa dooratay. Markaasaa loo diiday
dawladdii uu madaxweynaha
ka ahaa iney Muqdisho fariisato isagoo xitaa 'warlord' kasta
ka qeyb galiyay dawladdiisii.
Waxaa lagu kalifay inuu Amxaaro dalka keeno. Taariikhda ayaa
qiimeyn doonta talaabooyinkuu ku kacay.
Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.
Cabdiqaybdiid wuxuu ka mid ahaa Mooryaanti soo shaac baxday
burburkii dalka 1991, wuxuuna ka mid ahaa hogaamiyayaashi
Jabhadii USC oo uu ka tirsanaan jiray, xilal badan ayuu kasoo
qabtay DFKMG, imika xilka uu hayaa waa Taliyaha Ciidamada
Booliska Somaliya, wuxuu ka mid ahaa ragii safka hore uga
jiray Hogaamiye kooxeedka, xasuuqa ka gaysan jiray Muqdisho,
ninkani wuxuu ka mid yahay kooxda hadafkeedu yahay Somaaliya
inay weligeed ku jirto qas iyo jahwareer, si aan loogu maxkamadeyn
dunuubtii ay galeen dagaal oogayasha Soomaaliya. Ninkan wuxuu
aad u yaqaana sida loo dilo siyaasiyiinta ku sugan dalka,
(Polotical Assasination).
17 Octobar, 2005, Cabdiqaybdiid ayaa lagu xidhay dalka Sweden
isagoo la socday wafdi uu hogaaminayay guddomiyihii hore ee
barlamanka Somaliya Shariif. Xasan Sh. Aadan oo dalka Sweden
kala hadlayay dhibaatada Somaliya. Wararka ayaa sheegaya in
Garyaqaanka dacwada soo oogay uu sheegay in ay gacanta ku
hayaan cajal fiidiyoow ah oo la duubay isagoo Qaybdiid gacantiisa
(ama amarkiisa) ku dilaya 4-Wiil oo Soomaali ah, dhacdadan
ayaa waxay ka dhacday Magaalada Jilib. Cabdiqaybdiid waxaa
lasii daayay 21-Octobar, 2005.
Qaybdiid wuxuu sheegay in xadhigiisu ahaa mid siyaasi ah,
oo uu ka dambeeyey madaxweynaha Somaliya, Cabdullahi Yusuf
Axmed. Hase yeeshee, madaxweynaha Somaliya oo Arbacadii Jowhar
ka hadlay ayaa sheegay in uusan shaqo ku lahayn xadhiga Qaybdiid,
ka dib markii warbaahintu fidiysay in uu ku lug lahaa xidhigaas.
Qaybdiid wuxuu ahaa hogaamiye maleeshiyo oo xiriir la lahaa
hogaamiyihii geeriyooday Maxamed Faarax Caydiid, oo markii
dambe ku biiray koox ka soo horjeeday oo uu hogaaminayay Cismaan
Xassan Cali Caato intii uu jiray dagaalka sokeeye.
Qaranka Soomaaliyeed inuu jabay waxaad ku garan kartaa, ma
Qaybdiid oo lawada garanayo inuu yahay nin xanuusan oo xasuuq
ka gaystay shacbiga reer Muqdisho oo maskaxda ka jiran ayaa
hawaysan lahaa inuu Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed
noqdo.
Qodxaha, xangeeyada, injirta iyo miinooyinka loo baahan yahay
in laga dhex guro siyaasada Soomaaliyeed waxaan odhan lahaa
in loogu horaysiiyo intii xasuuqa gaysatay ee maantana xil
Dawladeed haya, si loo helo jawi fiican oo caafimaad qaba.
Maxamed Warsame Darwiish.
General Darwiish waa Taliyaha nabad sugida Dawlada Federalka
ee Somaliya, wuxuu ka mid yahay rag xasuuq ba,an ka gaystay
shacabka reer Muqdisho, boqolaal qof ayuu xabsiga dhigay,
isagoon wax danbi ah ku haynin.
Markiisi hore ninkani dalka Holand ayuu ka yimid, London ayuu
yimi oo uu usoo shaqo doontay, isla markiiba wuxuu shaqo ka
bilaabay dukaan la yidhaah TESCO oo uu ka ahaa xamaal qaada
alaabaha ama raseeya, maadama aanu cilmigiisu gaarsiisanayn
heer Jaamacadeed, taas ayaana keentay in uu xamaal ka noqdo
dukaanka TESCO ee ku yaala Leicester.
04-Disembar-2007, laba markab oo sida in ka badan 3.50 tan
oo raashin gargaar ah, oo uu markab dagaal oo Faransiis ahi
soo gelbiyay ilaa dekedda Marka, ayaa waxaa is hor taagay
in la dejiyo Gen. Darwiish oo markii danbana sheegay in uu
Maxadxweyne Yuusuf amarka bixiyay. Isla maalintii ku xigtay
ayeey DFKMG fasaxday gargaarkii loo waday dadka soo barakacay.
Soomaalidu waxay ahayd inuu mid walba midka xun ee la qabiilka
ah dhabarka u jeediyo, midka walalkiis ah ee Ilaahay qabiilka
kale ee fiican kasoo jeediyayna walaal ka dhigto.
Dawladnimada Soomaaliyeed waa in laga fogeeyaa yaa ila qolo
ah, waa in laga dhigaa yaa ka bixi kara? Yaa aqoonteeda leh?
Yaa wax wadi kara? Astaamaha lagu garto in Qarankii Somaliya
la odhan jiray u burburay oo noqday kolba meel Bazinka laga
qaato, ma Darwiish oo xamaal ahaan jiray baa hawaysan lahaa
inuu xilkan oo kale qabta.
Darwiish iyo Qaybdiid waa laba nin oon waxba is dhaamin oo
bakhti iyo mayd kala ah, waa laba nin oo aan ka waantoobeen
daadinta dhiiga ummada soomaaliyeed. Askhaasta noocas ah ee
ummada Soomaaliyeed ableyda (toorida) kala dhacayay dhabarka
inay maanta isku sheegaan rag wadaniyiin ah sow arrin aad
iyo aad loogu qoslo maaha.
Yaraantaydi waxaan maqli jiray, qarankii Soomaaliyeed god
buu kasoo qaylinaya, waxaan shaki ku jirin in Gen. Darwiish
maanta uu dalka oo dhan siisan lahaan baako sigaar ah!
Sheekh Aadan Madoobe.
15, Sebtember, 2004, waxay ahayd maalintii uu Shariif Xasan
Sh. Aadan loo doortay Afhayeenka Barlamanka, waxaa la tartamayay
Sheekh Aadan Madoobe, waxana looga codod badiyay 56 cod.
January 31, 2007 waxay ahayd maalintii uu xukunka Gudoomiyinimada
la wareegay Sh. Aadan Madoobe oo ka codod batay ninkii kale
ee la tartamayay ee ahaa Kiish Buur.
Aadan Madoobe wuxuu ka mid ahaa ragii soo jeediyaya in Dawladu
saldhiga ka dhigato magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa nin isu
xiijin jiray in uu Cabdillahi Yuusuf ka ag dhawaado, wuxuu
ahaan jiray Wasiirka cadaalada ee Dawlada Federalka, wuxuu
soo kaca kufoba, aakhir riyadiisi waa u meel martay oo wuxuu
hantay in uu noqdo gudoomiyaha Barlamanka Somaliya, laakin
Cabdullahi Yuusuf iyo Itoobiya ayaa markii hore meesha keensaday,
ninkani si toos ah ayuu Meles Zenewi ugu shaqeeya.
Wuxu ka mid yahay raga aan tacliinta heer dugsi sare ah aan
kasoo bixin, ee haddana xil muhiim ah ka haya Dawlada Federalka,
wuxu waa Dawlad lagu maamulo hadba fikirka Meles Zenewi uu
kula taliyo Cabdullahi Yuusuf. Aduunka Dawlad kasta oo ku
tirsan marka ay qof xil u dhiibayso waxaa la eega Profile-ka
qofkaas, hadii uu wanaagsanaado, xilka ayaa farta laga saara
oo lagu wareejiya, laakin ma Dawladan Federalka ah ee dhimatay
ayaa xeerkaas kuu taqaana? Adigagaas akhrisanaya qoraalkaygan
hadaad bari tagto dalkii ood xoogay lacag ah isku hubsato,
waxaan shaki ku jirin in aad usbuuc gudahii maleeshiyo kuu
dagaalanta oo waliba kuu daacad noqota helaysid, hadaad rabtid
aad Dawlada dhinac ka gali kartid, wuxu Dawlad ma aha! Wuxu
waa dad xaarka qastay. Maxamed Siyaad subaxii la riday waxay
ahayd in maamul fiican la helo, may ahayn in xaarka la qastoo,
oo meeshii laga soo buuxiyo qaar aad moodaysay inay meel ku
xidhnaan jireen iyo darawallo sida ninkan Aadan Madoobe.
Cabdillahi Cosoble & Cumar
Dalxa & Gacmadheere.
Cali Cabdilahi Cosoble wuxuu ka mid yahay Xildhibaanada Barlamanka
Somaliya, wuxu ka mid yahay raga ay kabahu kaga dhamaadeen
sidii ay u ridi lahaayeen Xukuumada Nuur Cadde. Cosoble wuxuu
ka tirsanyahay Xildhibaanada raacsan Madaxweynaha, ninkani
waa nin la marin habaabiyay sidii wasiiradii is casilayba
loo marin habaabiyay, wuxuu ku socda jid aan ahayn kii la
mari jiray, wali isma oga, wuxu isu haystaa inuu isla saxsanyahay.
Wax la yidhaah Dawladnimo oo uma muuqdaa ma ay jirto ee waxa
u muuqdaa waa lacag iyo xaaran loo balan qaaday, maxaad u
malaynaysaa hadii lagu yidhaah lacag qayru xad ah ayaa lagu
siinaya ee Nuur Cadde kursiga ka tuur, qofkii Damiir leh wuu
diidi lahaa, laakin ninkani waa mid ay ka guurtay xasuustu,
oo ismaba oga inay Soomaali qas kusoo jirtay in badan, alow
xaqa tus isaga iyo kuwa kale ee lunsan ee maanta sii cagacagynaya
jidkii u gudbin lahaa halaaga iyo meesha daran.
Pr. Maxamed Cumar Dalxa wuxuu dhashay 1954kii waana 54jir,
wuxuu ku dhashay Wanla Wayn ee Shabeelada Hoose, waa nin nasiib
xun, oo wuu kadeedanyahay maanta, aduunka ayuu la qabsan kari
la,yahay, kolba safar aan macno lahayn ayuu kharashkii Dawlada
ku dhameeyay isaga iyo ninka la yidhaah Sh. Aadan Madoobe.
Cumar Dalxa oo la ogyahay in aanu wax xukun siyaasadeed waxba
ka aqoon, hawl wax tar leh oo uu qabtay ama uu soo hooyay
ma ay jirto, dhib mooye, waxa kaliyah oo uu ka adagyahayba
ayaa waxay tahay in uu marna kasoo horjeesto Nuur Cadde, mar
uu kasoo horjeedo Sh. Aadan Madoobe iyo mar uu aflagaadeeyo
qabiil Soomaaliyeed, waa mid aan waxbaba isku falayn oon is
ogayn waxyaabaha uu ku dhex jiro in ay sax yihiin iyo in ay
khalad yihiin.
Qaranka Soomaaliyeed wuxuu noqday sidii duurka oo xayawaanku
midba midka ka yar ku tumanayo.
Maxamed Maxamuud Guuled (Gacmadheere) wuxuu dhashay 1954kii
waana 54jir, wuxuu ku dhashay Degmada Hobyo. Wuxuu ka mid
yahay ragii Madaxweyne-nimada isu soo sharaxay sanadkii 2000,
balse lama dooraan, ninkan ayaa isna ahaan jiray Wasiirka
Arimaha Gudaha, waxaana lagu badalay nin kale oo la yidhaah
Muuse Nuur Aamiin. Gacmadheere imika waa xubin muhiima ah
oo ka tirsan barlamanka DFKMG,wuxuna familigiisu degen yahay
carriga Ingiriiska gaar ahaan magaalada London,wuxuuna ahaa
oday caydha qaata oo aan weligiis u dhaqaaqin shaqo,ka hor
intaanu noqon Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKMG.
Waxaa la sheega in uu hay,ada QM u qaabilsan xaga cuntada
ee marka magaceed lasoo gaabiyo loo yaqaan WFB (World Food
Program) in ay raashin iyo daawooyin ugu deeqday dadka Muqdisho
degen. Isagu wuxuu ka masuul yahay barakaca 1200 oo qof, oo
loo waday raashiin, barakaca dadkaasna uu isagu ka masuulka
yahay, balse uu isagu ku tilmaamay in ay dhacen raashinka
iyo daawooyinka lasoo diray.
Yaa cilmi u leh oo caddeeyey in raashinku iyo daawooyinku
dhaceen? Raashinka dhacay cilmiga lagu baaro waxaa loo yaqaan
(Toxicology). Jaamiciga Somaaliyeed ee cilmiga (Toxicology)
soo bartay waa kuma? Su’aashaan jawaabteeda waxaa laga
rabaa Maxamed Gacmadheere.
Soomaalinimo?
Aaway? War aaway Geedki la hadhsan jiray ee Soomaalinimada
ku taagnaa? Aaway Dawladnimadii Ummada Soomaaliyeed? Maanta
sawta 18ka sano la marayo ma aha? Aaway dalkii la oran jiray
Soomaaliya ee aduun waynuhu oo dhan la macaamiloon jiray ee
iska lahaa dayuuradaha, hay,adaha, iyo safaaradaha dibedda
ka matala.
Soomaalinimo ma aha waxaan ku dhex dhashay Somaliya, mitaal
Gaalkacyo, Hargaysa, Muqdisho, Soomaalinimadu intaas way ka
wayntahay.
Kuwan maanta, shalay iyo doraad ba dalka rifayay ee baabi,nayay
yaa yiri Sucuudi bay ka yimaadeen? Kuwan maanta iyo shalayba
wax rafaadinayay ee dhiiga qaaliga ah ee dadkeena daadinayay
ee dalka ku galgashay miyeysan ahayn kuwo Soomaali u dhashay
oo waliba intooda badan ku dhashay Somaliya dhexdeeda? Ma
shisheeye iyo Isticmaar ayeey ahaayeen kuwa meesha xun ee
aynu maanta xooranahay ina dhigay?
Soowta aynu aragnay ma aha kuwo dhiigi dadka daadinaya oo
geed walba iyo guri walba ee dalku lahaa gubaya oo hadana
leh aan Madaxweyne idiin noqono? Kuwaasi soow ma ay laha Soomaali
baan nahay hadey qiimo leedahay Soomaali baan u dhashay iyo
Somaliya ayaan ku dhex dhashay?
Hadaba Soomaalinimo maxay tahay? Yaa Soomaal Ah? Yaa Wadanii
Ah? Marka hore Soomaalinimo wax la cuno maaha, ee waa wax
loo dhaso! Soomaalinimo waa qofkii dalkiisa iyo dadkiisaba
u dhimanay, waa qofka maanta ka xun halka ay Somaliya xoorantahay,
waa qofka habeen iyo maalin difaaca ugu jira wadankiisa, waa
qofka u halgama dalkiisa, waa qofka magaceeda iyo sumcadeeda
kor u qaada, waa qofki haduu Alle ku roonyahay dadnimadiisa
iyo Soomaalinimadiisa aaminsan, waa qofkii Ilaahay ku ogyahay
inuu Soomaali yahay oo u hiilinaya magaca Somali meelkastu
joogo.
Kismaayo Yaa Iska Leh?
Arrin aad iyo aad loola yaabo amaba lagu qoslo ayey ahayd
in Barre Hiiraale iyo Maleeshiyaadkiisi laga cayrsaday Kismaayo
oo ay xaaran ku haysteen markii horeba. Waxaa yaabka yaabkiis
ah in Al-Shabaab iyo Maxkamadihii aanay cadayn midka maamuli
doona dhaqaalaha iyo Dekeda Kismaayo, iyadoo laga cabsi qabo
in uu dagaal ka dhex qarxo kooxaha qabsaday magaalada Kismaayo.
Xalku sida uu noqon Ilaah baa og. Haddaba su,aasha meesha
ku jirta waxay tahay, Kismayo Yaa Iska Leh?
Sideedaba magaalo waxaa iska leh hadba qofka degen. Kismaayo
waxaa iska leh dadkii hore u daganaa oo waligood ku lahaan
jiray Bakhaarada, Makhaayadaha, Dukaamada, Beeraha, iyo Ganacsiyada
kala duwan ee ka jira magaaladas. Hadii aad maanta Xamar ka
timid oo aad Kismaayo usoo guurto, hadii aad lacag kugu filan
haysato, waa lagu soo dhawaynaya, waxa kaliyah ee lagaa rabo
oo aad wax walba ku yeelan karto waa lacag. Dunidu waa hore
ayeey horu martay oo ka ilbaxday anigaa halkaas leh iyo aniga
halkan leh. Dunidu dad iyo maal ayeey raadinaysa.
Kismaayo oo ah magaalada kaliyah ee ka badbaaday dagaalada
Xabashidu ku burburiyeen Koonfurta Somaliya, ayaa waxaa arrin
lagu qoslo ah in ay dad Soomaaliyeed isku dhex xasuuqaan oo
ay isku qabsadaan magaalada dhexdeeda, iyagoo waxa wadaa uu
yahay hunguri iyo maamul aan jirin.
Meesha la dhaho Buuhoodle waxa ay waligeed u magaaloobi weyday
waxa halkaas degen oo kaliya qabiilka agaas degen, yaa maqlay
maahmaahda ah: Buuhoodle waxay magaalo la noqon wayday afarta
is yaqaana (Isku qabiilka ah).
Kismaayo qabiilada dega waa tiro badan yihiin waxaana ka mid
ah: Majeerteen, Ogaadeen, Mareexaan, Sheekhaal, Absame, Nuux
Maxamuud, Gaaljecel, Biyomaal, Jareer, iyo dad Soomaaliyeed
oo kale. Dhamaantood waa u siman yihiin maamulka Kismaayo,
dadkaas aan soo sheegay ayaana iska leh magaalada Kismaayo.
Biyo dhaca qoraalka.
Marka uu qof boog leh dhakhtar u tago si looga daaweeyo boogtaas,
dhakhtarku boogta ma sasabo mana salaaxo. Waxaad arki isagoo
maqas dhexda ka galiyay oo marka horeba wuu kaga dhiijiyaa
si wax ala wixii dheecaan iyo dhiig ahaa uu uga soo tuujiyo
ugana soo saaro boogta.
Intaas kuma jooge, waxaad hadana arki dhakhtarkii oo Isbiirto
ama Alchol iyo dawo wax gubta intuu qaato bartanka u dhiga
boogta. Marka uu dhakhtarku sidaas sameeyo waxa aad u gubta
oo olola qofkii boogtu ku tiil oo haduusan calool adayg lahayn
wuu cabaadi oo wuu ooyi haduu doono. Sidii iyadoo aysan xanuun
intaas ugu filnayn ayuu dhakhtarku hadana intuu maqas qaato
ayuu boogta cadadkeeda (hilibkeeda) jilcay jarjaraa. Taaso
waliba ka sii xanuun badan daawadi kululeyd ee uu ku shubay.
Dhakhtarka boogta loo gaystay ma ogsoona in Isbiiritada, daawada
uu boogta ku shubo iyo maqaska uu hadba dhinac u qaadsiinayo
aysan xanuun badneyn. Qofka boog dhakhtar u gaysanaya isagoo
sidaas ogsoon ayuu boogtiisa dhakhtar u gaystaa. Hadaba dhakhtarkuna
farsamadiisaas kulul isagoo og inay xanuun badan tahay ayuu
sidaas mar walba sameeya. Qofkii boogi ku tiilna isagoo ogsoon
in la xanuujinayo oo wax walba oo boogtiisa guba lagu sameenayo
ayaysan ka fursan in mar walba la arko qof boog leh oo dhakhtar
u gaysanaya.
Labadaas ficil ee qofna boog u gaysanayo dkakhtar, dhakhtarkuna
uu gubayo kagana xanuujinayo qofkaas, xigmada hadaba ka danbaysa
ayaa waxay tahay oo kaliyah iney boogtu bogsato ee ujeedo
kale oo meesha taal ma ay jirto.
Waxay marka ila noqotay ineysan ka fursanayn in boogaha Soomaali
ku dhex jira miiska la soo wada goglo oo sidii dhakhtarkii
gacmaha lala wada galo oo dhiig iyo dheecaanba wixii ku jiray
laga soo daadiyo si marka la gubo waxyaalihii boogahaasi xanuunka
iyo dakaamka u keenayay ay marka u dhacdo in booguhu bogsadaan
oo umadeena walaalaha ah ee laga dhex shaqaystay ay gacmaha
isu wada qabsato oo dawladnimadoodi iyo sharaftoodi ay mar
kale soo ceshtaan.
Waxaa muhiim ah in dunuubtii dhacday aan cidina cid wax u
qabsan ee Soomaali is wada cafiso oo waa dad walaala ah ee
ay gacmaha is qabsato. Waxii dhacay ma in la qoro, mise in
la isa sii daba galo: Anigu waxaan qabaa dhiig danbe oo Soomaliyeed
inaan mar danbe la daadin. Xitaa ninka la dhaho Cabdullahi
Yuusuf anigu waxaan qabaa inaan far la saarin ee la tuso inuu
wanaagu yahay midka fiican ee cuqdada iyo xumaanto tahay mida
aafada inoo horseeday.
Kooxda Imbaghati waxaa la gudboon in ay maanta usoo jeestaan
Dawladnimada ummada Soomaaliyeed, hadii aan sidaas la samayn
iska dhaaf dal hagaaga, Dawladnimo iyo nidaam ee xitaa roobna
di,i maayo, oo muxuu soo doona! Ummadaha uu roobku ku da,o
waa ummadaha cadaalada wax la dhaho ku dhaqma. Hadii cadaalad
la waayo oo la heli waayo wuxuu Ilaahay qowmkaas u dhiiba
Cabdullahi Yuusuf iyo jaahiliin la mid ah, oo shicibka usoo
hogaamiya cadawgooda koowad, iyo xasuuq aan loo aabo yeelin.
Ummada Soomaaliyeed waxay saarantahay bas uu darawal ka yahay
nin uu Ilaahay xaalkiisa ogyahay, waa nin uu gumaystuhu soo
tababaray oo ummada kusoo dhex daayay, ninkaas oo ah Cabdullahi
Yuusuf Axmed, oo waxa kaliyah oo uu yaqaano ama cilmi u leeyahay
ay tahay askarinimo, dib u jeeso, hob jac, laba kaclayn, dhabar
jabin, daba gal, qalajin, qaniinyo, kala ilaalin, isku dir,
amar qaado, isku dhufo, iyo in ala inta ibtilo ah ee Ilaahay
dunida dhigay.
Cidina ma saadaalin karayso sida ay noqonayso iyo wadad loo
maraya Mustaqbalka Soomaliya , waxaanse shaki ku jirin in
uusan ka dhalanaynin dalka maamul Hantiwadaag ah oo laga xukumo
meel kaliyah sida maamulkii Maxamed Siyaad Barre ( Af-weyne).
Ilaahayaw dabka naga dhex oogan anaga iyo Itoobiya, adaa naga
damin karaaye, Alow, Alow nabad nagu daryeel! Alow dabka ka
dhex oogan shicibka iyo Dawlada Soomaaliyeed, adaa naga damin
karaaye, Alow, Alow nabad nagu daryeel!
Anigu Abdikarim ahaan waxaan leeyahay Eebe talada ha waafajiyo
kuwa dadaal iyo dulqaad badan oo daacad u ah danta guud ee dalka
iyo dadka Soomaliyeed markasta ula hor taagan.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com