Gabar Soomaali ah ayaa kaanlinta koowaad
ka gashay tartan Qur’aan aqris ah oo ay ku tartamayeen
Arday ka kala socotay 21-dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay,
isla markaasna ka dhacay dalka Liibiya.
Tartan xagga quraanka oo ay ka qeyb galeen arday ka kala socotay
in ka badan 21-dal oo muslimiin ah ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay
xarunta dalka Liibiya ee Tripoli, waxaana ku guuleystay kaalinta
koowaad gabar yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Xafsa C/raxmaan
Guddiga ay dowladda Liibiya u xilsaartay tartankan Qur’aaan
akhriska ah ayaa gabagabadii ku dhawaaqay in Xafsa C/raxmaan
ay tahay ardayadda kaalin koobaad gashay, halka kaalinta 2-aad
uu galay wiil Suudaani ah, kaalinta saddexaadna uu galay wiil
Morookaan ah.
Tartankan Qur’aan akhriska ah ayaa ah mid ay dowladda
Liibiya sanadkasta u qabato arday ka kala socota wadmada Islaamka
oo ku jirto Soomaliya, isku wada duuboo waxaa dad badan ka yaabiyey
gabadhan yar ee tartankan Qur’aanka akhriska ah ku guuleysatay
waxaa laga waday degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada
Muqdisho oo ah goob ay dadka reer Muqdisho badankood ku barakaceen.