Muqdisho waxay soo martay halaag burbur iyo baaba' hadba
waxaa shacabka reer Muqdisho lagu gumaadaa barnaamijyo hadafkoodu
yahay ha dhiman hana noolaan, haddii aan ka soo bilaabo sanadkii
1991-dii waxaa shacbaka la geliyey laguna gumaday barnaamij
SIM card qabiilka saldhiggiisuna ahaa yaa reer hebel ah oo
qabyaaladdea lagu awrkacsanayey, iyadoo loo adeegayo cadow
shisheeye, waxaana marna la iloobi karin jabhadihii qabyaaladda
lagu aasaasay siyaasadoodana aheyd burburin qaran.
Reer Muqdisho waxy isku diideen inay isku tanaa-sulaan, balse
xaalku wuxuu isku bedelay burbur iyo barakicin huwan ha noolaan
hana dhiman, dowladnimada ayaa leysku heystay oo nin walba
lahaa aniga ayaa dalka xilkiisa mudan iyo aniga ayaa mudan,
sanadkii 2004-tii ayey noqotay mid ninkii xilka dowladnimada
{State} loo dhiibay inuu dhaawaco qaranimadii {Nation} dalka
Soomaaliya ka dib markii uu dalka Soomaaliya uu ku soo hogaamiyey
cadowgii soo jireenka ahaa ee Itoobiya, walow uu qirtay dhawaan
haddana weli kama uusan qoomameyn gumaadkii iyo burburkii
uu caasimadda Soomaaliya ee Muqdihso uu u geystay iyo xasuuqii
ay ciidamada Itoobiya ka geysteen dalka Soomaaliya iyaga oo
aargoosi doon ah.
Waxaa maskaxdiisa la geliyey barnaamidka SIM card-ka Itoobiye
jecel ah, weli waxaa xilka ugu sareeya dowladnimada haya kuwii
SIM card-ka Itoobiya aaminsanaa, ahaana la taliyaha gaarka
ah ee C/laahi Yuusuf, halka maanta C/laahi Yuusuf uu yahay
la taliyaha Ra’isul wasaare C/weli Gaas.
Alow sahal amuuraha,waxaa taasi ka sii daray markii Xarakada
Al-shabaab oo runtii ahaa koox la geliyay SIM card-ka Juhaadka,
haddii aad dib u fiiriso dhulka ay xukumeen maanta lama dhihi
karo waxaa dhulkaas ku noolaa aadane, balse waxa ay baabiyeen
Infrastruktura caasimadda sida wadooyinka iyo guryaha oo ay
ka qodeen hogag aanan aadahana mari karin, taas oo lagu macneeyo
ha dhiman hana noolaan.
Waxaa socdo burbur cusub oo ay wadaan koox aad u yar oo qurbaha
aad ugu raagay damacooduna yahay yeyna dhiman oo yeyna noolaan
midnimada Soomaaliya, sabbabtoo ah kooxdaas ayaa xilligaan
maskaxdooda la geliyey barnaamij cusub oo la magac baxay dowlad
goboleed Stateland SIM card taasi oo uusan hamigeedii weli
dhamaan kooxwalbana waxay qirtay in caasimadda Soomaaliya
ee Muqdisho aysan asal u laheyn, balse ay dib ugu noqdaan
goboladii lagu abtirsan jiray goboladii awoowiyo sinji waa
ma guuraan.
Su’aasha quman in la weeydiiyo kuwa dowlad goboleedyada
sheeganaya waxay tahay maxay Muqdisho u burburiyeen haddii
uuba hadafkooda ahaa in dib loogu noqdo goboladii laga yimid?,
dib u fiiri Puntland-State, Galmudug-state, Hiraan-state,
Ceelbuur-State, Mareeg-State xubin iyo Xeeb iyo wixii la mid
ah.
Sow ma aha cadowtinimo iyo ha noolaan hana dhiman, weli arrinku
sidaas ayuu taaganyahay Muqdisho oo ah hooyadii Soomaaliya
maanta waxay la ciirciiraysaa in cidwalba ay dib ugu soo noqoto
dibna loo unko nolashii iyo nabaddii ay laheyd Xamar beri
hore, waxaase weli jira kooxo diidan oo aanan marna ogoleyn
in Xamar uu noqdo hooyadii caasimaddii dalka Soomaaliya, waxaan
ku talin lahaa cidda ka damqeysa Xamar waxaa quman inay la
yimaadaan siyaasad saldhigeedu yahay midnimo, wadanoolaasho
iyo is cafis, waxaanan marna laga aamusi karin kuwa dibandaabyada
iyo siyaasadda guracan la damacsan Xamar in laga hortago la
baadigoobo midnimo wadajir iyo wadanoolaansho oo xaqiiqdii
ah mid soo celineysa awoodda, sharafka iyo cisigii Xamar ay
laheyd.
Dowladda KMG waxaa ceeb ku ah in raashinka dekedda buuxaa
ay maareyn weydo, iyadoo ay dadkii dhimanayaan maalin walba,
waxaan halkan aad ugu mahadcelinayaa jaaliyadaha Soomaaliyeed
uu ku dhaqan qurbaha oo u gurmaday shacabka Soomaaliyeed ee
xilligaan qarka u saaran baaba´a iyo dhimasho.
Weli dowladda KMG waxay awoodi la dahay inay gaarsiiso shacabka
dagaalada iyo abaaraha la dageen wixii caalamka ugu soo dhiibay,
xaqiiqdii waxay taasi cadeynaysaa inaanan marna la ogoleyn
in Xamar ay dib ugu soo noqoto nolol, balse ha dhiman hana
noolaan ay ku jirto weligeed, waxaan leenahay diidnay kuwa
hadafka siyaasadeed ka leh macluusha iyo baahida shacabka
ee doonaya in Ummadda aysan weligeed istaagin, waxaan arkeynaa
in dowladda KMG ay ku fashilantay sidii ay u maareyn laheyd
u gargaaridda shacabka macluusha ka muuqata oo aad xilka u
heysaan.
Shacabka waa inuu u soo banaanbaxaa xaqa ay u leeyihiin inay
noolaadaan, muujiyaan waxa caalamka ku soo tabarucay in dekedda
lagu xareysto iyadoo laga leeyahay hadaf siyaasadeed oo guracan,
shacabka reer Muqdishow waa inaad u istaagtaan xaqiina diidaan
kuwa korkiina ku cunaya gargaarka caalamka soo dhiibay, dowlad
haddii shacabka ay dowlad u tahay waxay booqon lahaayeen xirooyinka
dadka ku dhimanayaan iyo Isbitaalada oo ay ka jirto xaalad
naxdin leh.
Guntii iyo gebagebadii waxaa wax laga naxo ah isla markaasna
aan loo baahneyn in Isbitaalada Muqdisho ay buux-dhaafiyeen
dadka u dhimanaya macluusha iyo shuban biyoodka ku dhaca caruurta,
haddana aysan jirin cid ka tirsan dowladda KMG oo kaalmo geysa
Isbitaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudantahay in madaxda
dowladda KMG ay sheegaan inay kaalmooyin kala duwan geeyaan
xeryaha barakaca, Isbitaalada iyo goobaha kale ee ay ku jiraan
dadka dhibanayaasha ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, taas
oo ah wax xaqiiqada ka fog marka aad u kuurgashid waxa ka
jira xeryaha barakacayaasha iyo Isbitaalada magaalada Muqdisho.
{Afeef aragtida qormadan waxa ay u gaartahay qoraha ku saxiixan
oo keliya, Wargeyskana mas’uul kama ah}.
Waxaa Diyaariyey:- Dr. Cali
A. Hiraabe
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com