Weedhan ama hadalkan waxay dibnaha qof ama bulsho soo dhaafaan
marka hooyo ubadkeeda diidoo wax la quuto la waayo, ama naf
nolol lagu ogyahay ay dabin u gasho wax halis ku ah, welina
aan laga quusan, hadaba maanta dad badan oo Soomaaliyeed waxay
halis ugu jiraan geeri, welina lagama quusanoo naftu way ku
jirtaa, waayo inta cagahooda soo maashay ee Muqdisho lagu
haraad tiray mooyee waxaa jira in badan oo looga soo tagay
degmooyinkii iyo tuulooyinkii ay abaartu ku dhufatay.
Hadaad xooraansato qaar badan oo ka mid ah qoysaska Muqdisho
soo gaaray, iska daa calool xumo kugu dhalatee Allow yeysan
ilin ku soo dhaafin, marka aad maqasho, Aabahay isagoo waayeel
ah nafina ay ku jirto ayaan uga soo tagay aqal Soomaali madoow
oo aan biyo iyo baad toona oolin, waxaana sidaas u yeelay
markii uu igula taliyey intii reerku geeri isla barkan lahaa
inaan la cid iyo ciirsi raadsado, kuwaan yaryar ee uu awowga
u yahay, haddana waxa uu ku suganyahay Allaa yaqaan!.
Bal ka waran marka ay dhegtaada ku soo dhibicdo, waxaan wadada
uga soo tagay intaan geed hoos fadhiisiyey ilmahan Hooyadood
ka dib markii hayaanka oo dheeraa awgii iyo haraad iyo gaajo
na haleelay dartii ay labo saamood is daba dhigi weyday, haddana
inay nooshahay u maleyn mayo!.
Kaba sii darane ka waran marka lagaaga sheekeeyo in Hooyo
ilma yar oo ay dhashay intay maro ku duuduubtay ay geed wadada
hareertiisa ku yaal intay hoos dhigtay, kagana soo dhaqaajisay
halkaas, iyadoo moodda inuu geeriyooday ka dib markii ay juuq
iyo jaaq ka weysay, nasiib wanaagse duul kaloo wadada soo
maray ay horay u soo qaadeen markii ay arkeen nuuxnuuxsiga
marada, maalmo ka dibna xeradii hooyadu tagtay dad ugu warameen
in laga dhex baafinayo ilmo yar oo hadda la keenay, dabadeedna
waa hooyee intay haw soo tiri baadi goob ugu dhaqaaqday, mise
waxa la baafinayo waa wiilkii ay 4 aqoolood ka hor geerida
uga soo tagtay, sidaasina ay markale kula midowday wiilkeedii
, maxaa yaab is daba yaal.
Dadka wax tacliiqiya waxay abaarta qadar Alla ka sokoow eedeeda
dusha ka saaraan colaadda daba dheeraatay ee ka jirta Soomaaliya,
taas oo noqotay madhamaato, waayo markii ay qolo daashaba
waxaa qoryaha qaata qoom cusub oo ku xaragooda iyagoo huwan
xirfad cusub, markaas ayey qolyihii hore waxay wax ka sheegsheegaan
oo la yaabaan qolyahaan cusub iyo xirfadooda, waayo haddii
aysan colaadi jirin waxaa jiri lahaa nidaam dowladeed, haddii
dowladi jirtana waxaa la heli lahaa maamul iyo nabad, dabadeedna
waxaa sare u kici lahaa wax soo saarka iyo tabaca beeraha
markaana dadkeena waxa uu gaari lahaa isku filnaan.
Bal u fiirso sow ayaan daro ma aha in loo dawarsado hodwalba
gobolada koofureed oo ah halkii dhulbeereedka Soomaaliya iyo
wabiyadu marayeen, marka xaajo xumaatana la filayey in lagu
baxsado, taas badalkeedana ay hadda dadka goboladaasi u soo
dareeraan, iyagoo faramaran gobolo aan wax ka soo dega mooyee
wax ay u dhidideen weligood laga dhoofin.
20-kii sano ee u dambeysay marka laga reebo abaaro kooban
iyo fatahaado, waa markii 2-aad oo ay Soomaaliya macluuli
ka dilaacdo, waxaana xusid mudan in sanadkii 1993-dii ay aheyd
markii gobalada Bay iyo Bakool lagu tilmaamay magaalooyinkii
dhimashada, waxaa waqtigaas loo sameeyay gurmad bini’aadanimo,
waxaa xal loo helay caqabado jiray sida dhaca maleeshiyaadku
u geysan jireen gaadiidka shixnadaha wada, kuwa afduuban jiray
shisheeyaha gargaarka sida, iyo qodobo kale, waxaa xilligaas
tilaabo miyirqab leh ku dhaqaaqay ergaygii Qaramada Midoobay
u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Ambasador Maxamed Saxnuuni,
waxa uu ergaygaas ahaa maskaxdii ka dambeysay in gargaarku
si nabad ah isaga kala goosho gobolada dalka, waxa uu Saxnuuni
gaarsiiyey loorka bariiska ah ama burka inuu beec ahaan gaaro
wax ka yar 6,000 oo Shillin Soomaali ah, taas oo ka xishoodsiisay
maleeshiyaadkii dhaca u geysan jiray gargaarka.
Hadda Qaramada Midoobay markii ay abaartu ku dhufatay Soomaaliya,
waxay calaamadeysay gobolada Bakool iyo Sh/hoose, iyadoo la
rumeysanyahay inay gobolo kalena abaari ka jirto, dad baa
qaba in la siyaasadeeyay xaqiiqda abaarta, waxaase suurtagal
ah inay Qaramada Midoobay sidaas u yeeshay in la qorsheynayo
in gargaarka xoog malatari lagu gaarsiiyo meelaha la calaamadeeyay
oo ay hadda ku xukumaan Xarakada Al-shabaab, balse tan iyo
markii lagu baraarurugay qulqulka barkacayaasha soo gaaraya
magaalada Muqdisho waxay dadka ku dhaqan Muqdisho si kala
madaxbabaan u caawiyeen walaalhooda, sida dowladda, Ciidanka,
Ardayda, Maamulka gobolka Banaadir, Haweenka, Ganacsatada,
Saxaafadda iyo si shaqsi shaqsi ahba, looma kala harin xittaa
curyamadii ku naafoobay dagaalkii 1977-kii ayaa waxay gacan
ka geysteen gurmadka, waxaa sidoo kale xusid mudan qurba joogta
oo si weyn uga dhex muuqday dhiig joojinta loo sameynayo dadka
ay abaartu soo barakicisay.
Dadka soo barakacay markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho
waxay saldhigteen xarumihii waa weynaa ee dowladdii dhexe
ee Soomaaliya ee ku yaalay bartamaha caasimadda, waxaa loo
hindisay in loo raro xero ku taala dacalka koonfureed ee degmada
dharkeynlay, taas oo loo bixiyey Badbaado, hadaba xeradaasi
maxaa kaga horeeyay oo loogu diyaariyey, tiro intee la’eg
bey qaadi kartaa, maxaase laga yeelayaa boqolaalka kaam ee
weli ku harsan degmooyinka G/banaadir, kuwaas oo isugu jira
kuwa horay ugu sugnaa iyo kuwo cusub, midna la isma weydiin,
tan kale, dadkan looma sameyn qorshe, lama tirakoobin, kaarar
lagu aqoonsado ma heystaan, mid wax helay iyo mid qaday lama
kala yaqaan, habac badan baa ka muuqda halkaas, waxaadse moodaa
in arrinku ahaa mar un magaalada dhinac ha u dhaafaan.
Waxaa dhacday inay dadkaas sidii maxaabiistii marwalba ka
soo baxsadaan dhibaatada ay kala kulmeen xerada lagu ooday,
sida dhaca raashinkooda, dilka, kufsiga iyo musuqmaasuqa lagu
hayo, tiiyoo aysan jirin cid wax ka qabaneysa hadal mooyee,
marka ay magaalada soo galaana loogama haree waxaa qasab loogu
celiyaa markale inta baabuur lagu guro xero baastii ay ka
soo carareen ee dhibka loogu geysanayey, welina xal looma
helin xaaladooda, kaaga sii darane xerada Badbaado waxayba
u muuqataa hadda meel ay dowladda KMG ugu dawarsato caalamka,
waayo madax kasta oo timaada dalka ugu horeyn waa halka lagu
beerlaxawsado oo loola cararo si ay u soo arkaan macluusha
Soomaaliya ka jirta, haddana bal iska daa xerooyin kalee waxaa
caalamku baahi tiri la’yahay xerada Badbaado oo qur
ah, dhibkiina weli waa ka jiraa,waa yaab!.
Waxaa Soomaaliya loogu deeqay malaayiin doolar, waxna hadda
waa laga gudbay oo la xisaabi maayo, waxna weli waa harsanyihiin,waloow
siyaabo kala duwan loo qoondeeyay sida xeryaha xuduudaheena
ka baxsan, kuwa gudaha ku yaala, tabaca beeraha, Caafimaadka
iyo dib u dejin guud, haddana dhaqaalahaa balaaran ee loogu
yaboohay abaaraha Geeska Afrika, Alloow yaraa inta soo gaarta
dadka loogu tala galay.
Marka gacma badani soo dalaalaan waxaa aqool-xumada jirta
ka sii daran rag iyo dumar horjoogayaal kaamam ah oo aan la
dooran oo horboodaya kaamamka iyo dadka barakacayaasha ah
eek u jira, kuwaas oo meelaha araajida maalmahan soo buuxiyey
si ay u sii dalaalaan inta farahooda ka soo sibxatay dalaaliinta
caalamka ee sheegta hay’adaha gargarka bixiya iyo saraakiisha
dowladda KMG, alloow iyana dhibka lagu qabo badanaa, taas
waxaaba ka sii daran ciidamo hubeysan oo la maqlayey maalmahan
inay dhac iyo boob u geystaan barakacayaasha, kuwaas oo iyana
maanta u baahan in loo hindiso fikrad la mid ah tii Maxamed
Saxnuuni si looga samata bixiyo cunada gargaarka loogu tala
galay dadka tabaaleysan ee ay markasta dhacayaan.
Waa suurtagal markii ay dad badani maqleen yabooha dhaqaale
ama gargaar ee loogu talagalay Soomaaliya inay si weyn u soo
dhaweeyeen, iyagoo markaas rajeynayey bal iska daa kuwa soo
barakacaye in xittaa uu hoos u dhac weyn ku imaan doono qiimaha
maciishadda ay ku iibsadaan dadka caadiga ah, isla markaasna
filanaayey in raashin fara badan oo gargaar ah lagu soo fatahi
doono dalka, balse taasi ma dhicin oo iska daa barakacayaashiye
waxaa haatan qaati jooga dadkii caadiga ahaa meel kasta ha
joogaane, waayo abaarta ka hor halkii uu joogay qiimaha raashinka
hadda waxa uu sare uga kacay %15, waxaase la ogaaday inay
3 arrimood sabab u yihiin waxaas oo dhan, kuwaas oo kala ah:-
1. Ganacsatadii oo xanibtay badeecadahoodii iyagoo ka cabsi
qabay in dalka la keeni doono raashin gargaar ah oo ka jaban
kuwa ay keenaan, balse taas badalkeeda faa’ido badan
ka hela keydkoodii hore iyo raashiinka gargaarka ah ee dadka
masaakiinta ah loogu talogalay.
2. Hay’adaha sheegta inay bixiyaan gargaarka kala duwan
oo markan hindisay sababo jira awgood inay raashinka gargaarka
ah ka iibiyaan suuqyada dalka gudihiisa ah, lana soo galay
dalka lacago fara badan, marka laga reebo wadamo carbeed oo
wax xoogaa cuno ah duulimaad iyo maraakiib ku keenay, kuwaas
oo qudhooda dad badani is weydiinayaan halkii ay ku dambeeyeen,
mana jirto cid la xisaabtanta ama dabagal ku sameysa Hay’adaha
dhaqaalahooda iyo halka ay ku bixiyaan.
3. Tan ugu daran oo ah raashinkii barakacayaasha subixii
loo qeybiyo oo galabtii dib ugu soo laabta suuqyada, isla
mrkaasna ay mar kale isla raashinkaasi dib uga soo iibiyaan
suuqyada Hay’aduhu, NGO-yada iyo qandaraasleyda oo iyaguna
aan musuqmaasuqa ka marneyn, taas oo runtii xaaladda ka dhigtay
mid lagu jahwareero iyo weliba in la kala garan waayo cidda
barakaca ah iyo cidda lagu soo barakacay, waayo dadkii oo
dhan waxay noqdeen kuwo maanta ay wada saameysay dhibaatadu
inyar mooyee, marka sow la isma weydiin karo su’aasha
ah, caalamku ma waxbuu noogu daray wixii aan horay u heysanay,
mise waa nooga daray?, jawaabta oo sax ahna waxay noqoneysaa
wuu nooga daray ee nooma dhaamin tii horay u jirtay.
Dad badan baa aaminsan in haddii Soomaalida oo looga bartay
isgacan qabashada ay dal iyo dibad isku qeyladhaansadaan sidii
horayba u dhacday, loona daayo xaaladda in arrinku dhaami
lahaa sida uu maanta yahay, haba iska tabar yaraadaane, xaqiiqduse
waa Soomaalidu haddii ay horey u sheegsheegi jireen in lagu
hayo faragelin Diineed, Siyaasadeed, Mellatari iyo mid Maskaxeed,
in waxa hadda socodaahi marka aad dhab u fiiriso lagu tilmaami
karo faragelin dhaqaale.
Horaa loo yiri qeyladii yeertaa qoom bay dani uga jirtaa,
waxaa jira kuwo qaxootiga intay xero ku ooteen u qeybiya raashin
kulul, {Karsan} inta nacfiga lehna ka soocda, markaas ayey
barakacayaashuna dhankooda hindiseen inay cunadaas ka iibiyaan
dadka Arriga, Lo.da iyo Dameeraha leh, si ay u helaan sunuud
yar oo ay kala soo baxaan wax ay liqi karaan, waxaa sidoo
kale xeryaha barakacayaasha qaati looga taaganyahay dalaaliin
iyo ganacsato sicirkay doonaan kaga fara marooqsada deeqaha
la siiyo dadka dhibanayaasha ah, waxayna barakacayaashu sidaas
u yeelayaan oo iibinyaan wixii la siiyaba cabsida ay ka qabaan
in guura habeen madow la yiraahdo iyo in qori caaradii looga
qaato wixii gacantooda ku habeensada.
Hadaba sow ma haboona in Xukuumadda Ra’isul wasaare
C/weli Maxamed Cali {Gaas}, Maamulka G/banaadir ee Tarsan,
Ganacsatada iyo Guddiga dowladda KMG u magacowday abaarahaba
inay wax ka qabtaan xaaladahaas aan soo sheegay oo dhan, ayna
la yimaadaan qaab habeysan oo hoos loogu dhigi karo sicirka
cunada, isla markaasna ay hay’adaha gargaarku wax ku
gaarsiiyaan dadka dhibaateysan si hufan, amaankoodana lagu
sugo, mise xaalku waa booba yaa wadani!, waayo hadda waxaa
la soo sheegayaa barakacayaal markii laga dhacay wixii la
siiyey la dilay, kuwo loo diiday markii ay damceen inay isaga
soo tagaan xeryaha lagu aanfeeyay, kuwo aan barakac aheyn
oo safaf dhaadheer ugu jira raashinkii gargaarka ee loogu
taligalay dadka masaakiinta ah, qaarkoodna ayba hubeysanyihiin
iyo arrimo kale oo isbarbar yaac u muuqda, marka sow xaalka
barakacayaasha ma haboona inaan niraahno, Alloow ur u bixi.!!.
Waxaa qoray:- C/qaadir Maxamed
Faarax {Dulyar} Email:- Dulyar21@hotmail.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com