58 qof oo Ciidamada
Ethiopia ay shalay xasuuqeen,Eedo iyo baaqyo loo kala jeediyay
kooxaha dagaalamaya iyo Soomaalida daawanaysaba.
48dii saac ee la soo dhaafay ayaa ciidamada
dowladda Ethiopia waxaa ay xasuuq waxashnimo ah u gaysteen dad
Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan isuguna jira haween,waayeel,ganacsato,odayaal
iyo qaybo kalaba.
Xasuuqaan gardarada ah ayaa 5 qof oo ka mid
ah waxaa ay ciidamada Ehiopia ku dileen maalintii shalay waddada
Maka Al-mukarama ,halka 5 kalana ay habeen hore ku dileen xaruntii
Asluubta,shalay duhurnkiina ay 44 qof ku dileen deegaanka Carmiska
ee degmada Afgooye ,iyadoo 5 qof oo kalana ay isla shalay galab
ku dileen deegaanka Km 13.
Dilalkaan oo deegaannada ay ka kala dhaceen
ay ka kala tirsan yihiin gobollada shabeelada Hoose iyo Banaadir
qaarkoodna ay ku sugan yihiin dad aad u fara badan una badan
maatadii ka qaxday dagaaladii ay deegaannadii Muqdisho ku qaadeen
ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda fedaraalka.
Dadkaan ay saacadihii ugu dambeeyay ciidamada Ethiopia sabab
la,aanta ugu xasuuqeen deegaannadaasi ayaa qoorkood waxaa ay
saarnaayeen gaadiid BL ah.halka qaarkoodna ay guryahooda iska
joogeen ama goobahooda ganacsi,iyadoo ay ka mid ahaayeen qaar
waday dhaawacyo laga soo qaaday deegaanno ka tirsan gobolka
Shabeelada Hoose uuna sababay dagaal dhax maray xoolo dhaqato
iyo beeraleey deeq iyo beero ku dirireen.
Marka laga soo tago xasuuqaasi waxashnimada
ah ee ciidamada Ethiopia ay horay iyo haddaba ugu gaysteen shacbiga
Soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxaya eedo iyo cambaarayn ay qaar
badan oo ka mid ah shacbiga Soomaliyeed oo wabsaydhkaani xog
aruurin ka soo sameeyay ay isku kala jeedinayaan.
Dadweynaha aragtiyadaan laga soo kala aruuriyay
ayaa eedaha qaybaha ay u jeedinayaan waxaa ka mid ah kooxaha
la dagaalamaya ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda fedaraaalka
ee iyaga gacanta siinaya isla kala qayb qaybinta halkii ay midnimo
muslimnimo iyo Soomalinimo ay ku dagaalami lahaayeen kuwaasi
oo ay sheegeen in ay ka mid Xoogagga Shabaabka.Xoogagga Ciimada
Midoowga Maxaakiimta.kuwa Jabhadda Islaamiga iyo kuwo kale,taasina
ay dad badan ka xayirtay in dagaalkaasi xaqa ah ay ka qayb galaan.
Dadweynaha xogagtaan laga soo kala aruuriyay
ayaa eedo kuwaasi aad iyo aad uga culus waxaa ay u jeediyeen
Soomaalida muslimka ah ee daawanaya ficil dagaal jahaadna aan
ka gaysanaynin ugana hor tagaynin weerarrada iyo duqaynta xasuuq
ee ay ciidamada Ethiopia muddada 2 sanadood ku dhow u gaysanayaan
shacbiga Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan oo dad tiro belay
ay ku dileen.kuna dhaawaceen.guryahoodii ka qaxiyeen qaar kale
ay hantidoodii oo dhan burburiyeen amaba dhaceen.
Xog aruurintaan ayaa soo jeedinaysa in kooxaha la dagaalamaya
Ciidamada Cadowga Ethiopia ay madax ahaan .ciidan ahaan,dhaqaale
iyo hadalba ugu midoobaan sidii jihaad ballaaran loola gali
lahaa Ciidamada Ethiopia dalkana xoogag deg deg loogaga saari
lahaa.
Xog aruurintaan ayaa dhanka kalana u soo jeedinaysa
Soomaalida daawanaysa xasuuqa ay gaysanayaan Ciidamada Ethiopia
in ay deg deg u badalaan aragtidaasi ku qaldan Muslimnimo iyo
Soomali ahaanba ayna hubka u wada qaaataan sidii ay kaalintooda
uga gaysan lahaayeen jahaadkaasi ah ee Ciidamada Cadowga Ethiopia
dalka xoog loogaga saarayo,haddii ay ka caga jiidayaan in kooxaha
hadda la dagaalamaya ay ku biiraanna ay ku dagaal galaan magaca
guud ee shacbi waynaha Muslimiinta Soomaliyeed.
Xog aruurintaan ayaa dhanka kale ku baaqaysa in la diwaan galiyo
xaquuqyada ay ciidamada Cadowga Ethiopia u gaysteen shacbiga Soomaaliyeed
ayna ka mid yihiin xasuuqaan ay ciidamada Ethiopia gaysteen 48dii
saac ee la soo dhaafay.loona gudbiyo ururrada Islaamka iyo kuwa
Jamciyadda qaramada midoobay ee kaalin ka qaadan kara in xasuuqyadaasi
maxkamadaha ay mudan yihiin la soo hortaago masuuliyiin ku sheegyada
Ethiopianka iyo Soomalida daba dhilifka u ah arrintaasi hirgalinteedana
ay hormood ka noqdaan shirci yaqaannada Soomaaliyeed meelkasta
oo ay joogaan.