Ma`ooyey Markaan
Xorownay?
Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ee Shirkeena
Jaraa`id hawada kala socda usheegeynaa in aan ku wada suganahay
Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta, waxaan jecelnahay
in aan dhowr arimood kusoo koobno Shir Saxafadeedkenaan, kow,
waxaan ka raaligalineynaa qilaafkeenii Shacabka uu ku wareeray
lana kurbooday, waxaan Shacabkeeniyow idiin leenahay in Maanta
Alle mahadii aan kasoo bogsanay xanuun annaga naftigeena Uur
kutaalo nagu reebay ileen waan kala oodanay Nin walbana Koox
ayaa Sax iyo Qaladba ku raacday,mida labaad, waxaan Alle weydiisaneynaa
cafis, Shacabka oo ay Mujaahidiinta ku jiraana waxaan uga
cudur daaraneynaa intii uu Jihaadka socday ee aan Banaanka
ku maqneyn anagoo ay na wehliyeen jiraan Masuuliyiin badan
oo Maxakiimta ah walow si kale aan Jihaadka ugu jirnay.
Maanta waxaan Balan Alle weyne hortiisa ku qaadeynaa in aan
Safka hore taagnaaneyno sidii awalba nalooga bartay, kana
xoroobeyno danaha Beesha Calamka iyo tan Erataria, iskana
iloobeyno in Guusha meel aan aheyn aan ka raadino, waxaan
idiinkugu bishaareyneyna in Xoogaga Muqaawamada dhamaan midoobeen
Jidka Allah na noo yahay udub dhaxaad, Walaalayaal waxaan
hadalkeena kusoo gunaanadeynaa in Insha`allahu wax badan ood
ku faraxdaan aad maqlidoontaan ama arkidoontaan dhawaan.
Waxaa markaliya dhawaaq farxadeed oo dabrid iyo ducaba isugu
jira ka yeertay Shacabkii kadib markii ay yiqiin sadeen in
codadka ay maqlayeen ay ahaayeen Shiiq Shariif Sh Axmed iyo
Sh Xasan Dahir Aweys iyo Abuu Mansuur oo si toosa qadka Talefanka
Shir Jaraa`id ugu wada qabtay, sigaara waxaa labada Shiiq
ee Dalka soogalay ugu duceeyeen da`daalkii ay sameeyeen Hogaanka
Muqaawamada ee Gudaha ka tagay si ay udhex dhaxaadiyaan labada
Garab ee lanasaqay, iyagoo sheegay in sababtu lahaayeen Rabbi
hadhowree soogalbintooda.
Maalmo aan badneyn kadib waxaa bilowday dagaalo cadowgu ku
faranaxay waxaana caaboonaaday Qalbiyada Mujaahidiinta, waxaa
duco iyo daryeel kayimid Shacabkii niyad dilmay ee hankooda
hoosta jiray Malmahan, waxaa durba Idaacaduhu sheegeen in
Baladweyne uu ka socdo Dagaal aan horey loo arag iyagoo markaa
qadka Taleefanka si toosa usoogaliyey Afayeenka Milatariga
ee Midowga Maxaakiimta Sh C/raxiin Ciise Cadow, wuxuuna Shiiqu
sheegay in xoogaga is garabsanaya ay inta badan magaalada
la wareegeen, dur durada dhiiga cadowgana ay dareerayaan dariiqyada
Baladweyne, isagoo raaciyey in ay ku hanweyn yihiin haduu
Eebe idmo in dhamaan ay la wareegidoonaan Xarunta Gobolka
ee Baladweyne,wariyihii Idaacada ayaa sii raaciyey in ay Indhihiisu
qabanayaan Ciidamo Itoobiyaana oo sii baxsanaya iyagoo lugtooda
malaya.
Allow wada jirku fiicanayeey maxaa Gumeysitihii qabsaday,
waxaan maqlaaba waa war farxad leh, kolba dhanbaan u ordaa,
Taleefan dir oo Mujaahid hebel weydii cadowgii jiida hebla
joogay imisaa laga qabtay halkee xaalku marayaa?, Rabbow mahadaa
waxaa soo dhacay qabar dag daga kasoo ah in Warshada Baastada
Guuto Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Sh Shariif horkacayo
ay cagta mariyeen Xabashidii iyo Copy-gii halkaa ku sugnaa,
wuxuu Amiirka u sheegay Iadaacada in ay soo islaaxiyeen aagagaa
oo idil isagoo sheegay in hub fara badan ay ku qabsadeen Warshada
Baastada iyo Xeyla Bariise iyo Maxaabiisba, wuxuuna sheegay
in dirirta hada ka socota Isbartiibada ay xoogooda isugu geyndoonaan
kuna biiridoonaan xoogaga walaalaha Al shabaab ee daraf ka
qabsaday Garoonka kuwaas oo iyagu kasoo galay dhanka Towfiiq,
wuxuuna Sh Shariif intaa ku daray in uu Saxaafada dib ula
hadlidoono.
Guuleysta waa wixii aan sugaayey waa wixii ay sugaayeen shacabka,
"jabiya Gaalad madowda Dalka ma`iyagaa nala leh"
waxaa sidaa tiri Hooyo Yaanyo danbiil ku sidatay oo aan idaacada
wada dhageysaneynay, waxaan isticmalayaa taleefankeyga si
aan ula socdo guulaha isdaba jooga ah marna Idaacadahan marba
mid saartaa, Allah Allaah, Bishaaro kale waxaa durba maqlayaa
Mujaahid Abuu Mansuur oo leh waxaan kulaaleynaa Saldhigyada
waaweyn ee Baydhabo waxaana socda dagaal aad uculus, isagoo
mar la weydiiyey cida ku wehlisa Alshabaab dagaal yiri"Walaal
waa laga soo gudbay xiligii naloo kala saari jiray Qunyar
socod iyo Argagixiso waxaana mahadaa leh Allah sw waxaana
dagaalka nagu wehliya walalaha Jabhada Islaamka Soomaliyeed
ee Jabiso".
"Ma`raadiyahan yar ee aan sito ayaan farxad darteed la
tuuraa?, ma`waxaan xusuustaa Maalmihii Madoobaa ee Samirka
Culimada nagu waanin jireen?, cako yaa Boqol iiga dhiga aan
baqti badan ka talaabsadee".
Mansuur haduu Baydhabo ka shanqarinaayo maxaa uyaal meela
badan oo cadowgu dagan yahay?, Raxmaanow iigusin inaan guusha
oo dhameystiran arko, Madaxtooyada waxaa fananaaya Jabiso
oo Guutooyin xoog badan ah waxaana ku wehliya MMI sidaa ayuu
u sheegayaa Saxaafada Afayeenka Jabiso Farxaan ciilmooge,
wuxuu Farxaan leeyahay waxaan soo qabsanay ilaa dhanka Tiyaatarka
iyo wardhiigley jidka Caga dhig, wuxuuna leeyahay Dagaalku
wuxuu ku socdaa dhabihii Awood badanaha nagu abaal marinayey
samirkaan usoo galnay, isagoo sheegay in ay marwalba kusii
siqayaan Madaxtooyada ayna qabsadeen Afafka Safaarada Itoobiya,
isagoo xaqiijiyey in ay ugu dhex tageen Safiirkii Xabashida
oo dhaawac ah gacantana ay ku hayaan si ay ugu badashaan walalo
uxiran cadowga.
Ma`ilmadaa iqubaneysa?,Allahu Akbarta aan Takbiirsado Gaalo
Dhoorey Godkeedaa Biya ugu galay, durba Shiiq Fu`aad Shongolo
oo aan waayadan la maqal ayaa Ciidamado Mujaahidiinta Al Shabaab
ah oo uu hogaminaayo ay Geeska Xaafada Madiina kasoo galay
Kuwa sharciyeynayey Gumeysiga ee AMISOM,Mujaahidka oo ay codkiisa
ka muuqato qiiro ayaa sheegaya in ay Gawaari ka qabsadeen
cadowga, Dagaal saf balaaran ahna uu socdo,Allow ku xafid
adiga iyo inta Mujaahid ee kula socota,waxaa idaacada soogalay
Mujaahid Cumar Xaashi wuxuuna Korneylku sheegay in Baladweyne
ay Xorowday cadowgana ay ka qabsadeen Hub fara badan iyo Maxabiis
isagoo sheegay in Ciidama xoojin ah ay uga yimaadeen Shabeelada
Hoose oo uu horkacayo Sh Tuurxume Rabbina usahlay in cadowgu
soo afjaraan awoodiisa.
Maalmuhu iguweynaa maxey Mujaahidiintu makansadeen Maganta
Illaahey, waxaan xusuustay Shacabka dibadaha jira ee Qalbi
Mujaahid iyo Qarash Mujaahid aan ubixiyey ee qaarkood Sariiraha
la saaran Cudur ay dawadiisu tahay Dalkoo Xorooba, away Gabadhii
Dhiigu furmay markii ay maqashay cadowgii Dalka waa qabsaday
kadib dagaalkii sagaalka cisho ee labadii kun iyo Todobadii
iyadoo Naf ka dhowr ahna la dhigay Cisbitaalka Abuu sanada
ee Jiddah,Tollow ma`ogtahay Gabadhaa Guulahan aan ku diirsaney?,
sow ma ogi in qaar badan ay ku hurdi jireen Cadowgii madoobaa
caawa maladin?, ma`waanan ka jawaabin Taleefana badan kuwaa
oo ay iga soo waceen qaar farxad la oynaya,qaar aanba hadli
karin, qaarba si, aniga nafteydaa lamida oo aanan Juuq awoodin
Jiifna Warkiisa daa ama in aan damiyaa Taleefankeyga Hormuud.
Adba garo wali waxaan hadba weydiinayaa oon wacayaa horjooge
Mujaahid ah sida in aan ahay Taliya Guud ama Wariya shaqadiisa
ku jira, waxaan weydiinayaa sida ay ku sugan yihiin Guutooyinkiisa
aanan kala joojin Xabada tan iyo Afartii Cisho ee lasoo dhaafay,waxaan
ogaanayaa in Guutooyinka Iidaale ee sida aadka ah u tababaran
ay Afgooye ku qaadeen Guluf ay cadowgu sara madaxa uqaadi
waayeen kuwaa oo iyagu ku leh Dagmada keydka ugu weyn ee looga
guro Hubka Xiryaha Muqdisho ku yaal, waxaa Guutooyinkaa horkacaaya
Afayeenka Siyaasada MMI Sh Maxamuud Sh Ibraahim Suuley, ogow
waxaa durba laga soo sheegayaa Guulo bilow ah iyo in beerta
ay dagan yihiin Xabashido bar gubaneyso.
Dhanka kale Waxaa Shir Jaraa`id qabtay Jandaaydii Madaxa Dhukurneyd
aheydna Wakiilka Mareykanka ee Geeska, iyadoo Saxaafada usheegtay
in aanan loo dulqaadan karin Dagaalka socda loona baahan yahay
in la xaqdhowraa Heshiiskii Jabuuti, waxaa kaloy tiri waa
in ay Nabadgalaan Ciidamada caawinaada uyimid ee Itoobiya
iyo kuwa Amisom, markasaan Afka ka iri "sow kaama weyn
iga bixi, sowkama weyn Jandaay Dadka Masaakiinta unax oo Diyaaradahada
naga deyso, Maantaba Cirka kasoo daadi waxaad heyso koley
waan ujeedaa Diyaradahada si Sare iyo si Hoosay udul heehabayaan
hawada Muqdisho,Baladweyne iyo Baydhaba",waxaanse la`yabanahay
yaa Hoteel udagan oo ay la hadashaa? ma`kuwii looga yimid
Asmara iyo Jabuuti? waaba hadey joogaan, qaarna xaqiiqdey
qaateen oo Gudahay soogaleen, qaarna Ingiriiskey ku noqdeen,
Nin walbana camalkiisuu qabsaday kii Alle dartii u Jihaadayey
wali Shaqadii kama bixin, kii Xil raadinayey ee awalba la`ogaa
ama Culimada isku diraayey si uu Ilmaha uga korsado ama dana
Shisheeye ufuliyo Maanta Muraadkada Mowlaa maya yiri kii Muslimiintana
Aqbalay.
Sidii anigoo Raadiyaha usita iyo Taleefankeyga Hurmuud, Habeenba
Tuula seexda ayaan maqlayaa Malas oo leh Ciidankeena waan
la baxeynaa hadii Dagaalku nalagu caawin waayo isagoo dhaleeceynaya
Dowlada Mareykanka, wuxuuna sheegayaa in Dowladii ay Taangiga
ku sideen ay Guul dareysatay,maxaan kaa filaayey Mallaz Dijaal
Cawarow in aad sidaa u ooyidoonto, ma`waadan ogeyn in Wasaarada
Gashaaniga iyo Kuliyada Jaale Siyaad Ciidankii Gumeysiga ee
ku jiray badankooda is dhiibeen ayna dhagta dhiiga udareen
Mujaahidiin uu hogaaminaayo Sh C/raxman Janaqow kuwaa oo kusii
wajahan Xirada Asluubta?, ma`waadan ogeyn in Ciidankadii Niyada
jabsanaa ee ku sugnaa Masaajidka Sh Cabdi ee Cali Kamiin ku
yaal ee aad ka dhigteen Kaniisad iyo kuwii Xarunta Xisbiga
ku jirayba in Mujaahidiin uu horkacayo Sh Xasan Dahir Aweys
ay ka dhigeen wax baqtiya iyo wax laqabtaa oo haweenka laga
adeejiyaa?.
Ma`waadan ogeyn in Cisbitalka Carafaad,Gubta iyo nawaaxigaa
Mallasow ay soo nadiifiyeen Xoogaga Caaboon ee Jabiso ee uu
horkacaayo Sh .......kabigana soo saaray Isbartiibo oo ay
horay dhinaca kale uga hurgufaayeen Dhinbilo Rasaas ah Mujaahidiin
hormuud uu ka yahay Sh Shariif iyo Mujaahidiinta Alshabaab?,
Ma`waadan ogeyn Males in dhamaan Walalaha Mujaahidiinta heshiiyeen
Rabbina Muwaafaqadaa nagu siiyey Guuusha? Nacabkiyow kanaxoo
Nafta waa.
Afayeenka Jabiso ayaa markale Idaacada kusoo noqday wuxuuna
sheegaya in Rag badan ay gacanta ku dhigeen Ragna Xukunka
Alle lamariyey,kuwa ku baqtiyey Dagaalka Madaxtooyada ka socda
ayuu ka magac dhabay Xuubsireed,Daahir Maxamed Xirsi,C/di
Xaaji Goobdoon,Darwiish,iyo Askar, isagoo sheegay in qaar
uu Nuurcade ka mid yahay iyo Axmed C/di salaan dhaawac yihiin,
qaarka ay hayaana ay dib kasoo sheegidoonaan Magacyadooda,
isagoo sheegay in Rag waaweyn oo Gaala wad ahaa ay ka mid
yihiin, waxaan is warsaday kuwa lahayaa ma`waxaa kamida Cabdulahi
Yusuf,Maxamed dheere iyo Siciid dheere, mase Gabre, markasaan
is iri horta aan utago Nuur cade iraahdana Maadama aad Aabahey
Korneyl Barre Xaaji Allaah yarxamuyee aad saxiib qaaliya ku
aheydeen Ciidanka iyo kadib intaanu saaca kaa wareegin Maantana
wada xun in ay Nafta kaga dhacdaa aad halis utahay Nuurow
Naar iska bad baadi Ilaaheyna utowba keen oo Cafis warso koley
dhaawacada in aad ka`kicidoontid ma`ogid, hadaad ka kacdana
xisaab Aduunya kuu dhiman iyo tii Akhiro.
Digfeer Ciidankii ku jiray iyo Xeradii Horseed ee Itoobiyaanka
ahaa iyo Copy-goda waxaa Dagaal bal baliyey oo Barakeysan
ku qaaday Mujaahidiin uu korkacaayo Sh C/di qaadir Cali Cumar
waxaana ka baxay dhawaaq cadowgii, waxeyna ciidankaasi isku
soo dharariyeen ilaa Saybiyaane, durbana waxaa lasoo shegayaa
in C/di Qeybiid ku mid yahay kuwa lagu qabtay, wuxuuna iska
hor`imaad culusi uu ka socdaa Hoyiga Gabre ilaa Sona K,Bishaarada
kaloo timid ayaa ah iyadoo Guutooyinka Shuhadada Badamadow
lasoo sheegayo in ay soo dhafeen Baraawe, Shuhadada Badamadow
ayaa waxaa horkacaaya Sh Xasan Turki, Guutooyinka Shuhadada
Badamadow ayaa ku wajahan in ay u nusreeyaan walalahooda inta
badan Xarumaha uu cadowga fadhiyey qeybo ka qabsaday ama qaarna
qabsaday qaarna wali ay Xabadu ku socoto, Markaan arkay Guulaha
isdaba yaal iyo in cadowgii Gooba badan laga soo saaray ayaan
inta Idaacadaha mid ka mida wacay ka bilaabay in aan Mujaahidiinta
ku Gubaabiyaa Gabaygii Abwaan Dhirbaaxa Jinni utiriyey Mujaahidiintii
ku jirtay Dagaalkii Saban saban ee Xabashida dhagta dhiiga
loogu daray.
Qaranimo Dadkii doonayo iyo inuu Calan qaato
Qurbacdaa mayara iyo Nimuu Gumacu Leefaaye
Qarniyaal ayaa lagu waday Qoob ku Diririkaaye
Qalbigeena iyo haduu ogyahay Qaatilnimadeena
Qalfooftaa lasoo uruurshay Qalab ma`keeneenee
Qasabuu inoo baran markaad Dacar u Qooshtaanee
Qofka kaadi taga waa in laabtu Qaraxdaaye
Isagaa qanci ee Xaajadu Qabow haloo diido
WQ Qorra iyo Saxafi: Maxamed Barre
Xaji Cumar "Fiyoore"
fiyoore@hotmail.com