Odaaashaa gobolka hiiraan oo
garwaaqsaday qaladaadkooda iyo in Ethiopian daris galin
Warar ka ka imaanaya gobolka Hiiraan
ayaa sheegaya in shacbigii abaaraha. colaadaha iyo nolol xumooyinka
kale horay u la liitay ay haatan dhibaatooyinkoodu sii toban
jibaarmeen ka dib markii ay muddo ka badan bil ka badan deegaannadoodi
qaxooti ka yihiin.
Arrintaan dhibaatada cusub ee ay horseedeen
Ciidamada Ethiopianka ah ayaa imaashaheeda waxaa horay eeddeeda
wax loogaga saaray oo la sheegay in ciidamada Ethiopia ay ku
gacan siiyeen soo galitaankooda Magaaladaasi odayaasha Gobolka
Hiiraan intooda badan.
Wararka ugu dambeeya ka imaanaya gobolka
Hiiraan Magaalo Madaxdiisa Baladweyne ayaa sheegaya in Odayaashii
horay qaladaadkaasi u galay ay haatan garwaaqsaden qaladaadkooda
ayna bilaabeen in Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ay la kulmaan
kana codsadaan in ay ciidamadooda ka saaraan Magaalada Gudaheeda.
Arrintaan codsiga ah oo aan la ogayn
sida ay saraakiisha Ciidamada Ethiopia ay u aqbali doonaan ayaa
haddii lagu guulaysto waxaa ay dhabba u xaari karaysaa in Magaalada
ay u soo laabtaan boqolaal qoys oo haatan qaxooti ku ah dhul
abaaro iyo biyo la,aani daashadeen oo masaafooyin dhaareer u
jiraan xarunta Gobolka Hiiraan ee Balad weyne.