24/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Waxaa maalintii 2aad Qafaal loo haysta 5 qof oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi.

Shantaan qof oo kala ah 3 Soomaali ah iyo 2 Ajnabi ah una kala dhashay Kanada iyo Ustaraaliya oo maalintii shalayna la sheegay in la qafaashay iyagoo isaga kala gooshayay deegaanno ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose .gaar ahaan inta u dhaxaysa Bar ciqaabeedka loo yaqaan Sarkiis iyo Xaawo Cabdi.

Maxamed Cilmi(Cilmi Dheere) oo ah aabbaha Cabdifitaax Maxamed Cilmi oo ah Turjimaanka 2daasi qof Ajnabiga ah howlo dhinaca saxaafadda ahna dalka u joogay oo saaka salaaddii subax ka dib uu Wabsaydkaani la kulmay waxna ka waydiiyay xaaladda wiilkiisa ayuu ku jawaabay Cilmi Dheere isagoo ku gaabsaday in uusan ka ogayn wax dheeraad ah oo wararka saxaafadda laga baahiyay ka dheeri ah wiilkiisa iyo 2daasi darawalna ay wax la qabayaan 2daasi wariye Ajnabiga ah ee la qafaalay.

Maxamed cilmi (Cilmi)dheereeye oo aanay ka muuqan wajigiisa markiii uu su,aalahaan ka jawabayay wax murugo ah aadna u daganaa ayaa ku gaabsaday in arrinta wiilkiisa iyo dadkaasi la qafaalan ee ajnabi iyo soomaaliba isugu jira ay u taallo ALLAAH oo kali ah cid gaar ah oo uu ilaa iyo haatan uu ku eedaynayana aysan jirin arrintaasi maadaamaa uu san haynin xog dheeraad ah oo la xariirta cidda ka dambaysa qafaalkaasi oo ka mid ah dhibaatooyinka dalkeenna ka jiray daashadayna sanooyinkii la soo dhaafay.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®