24/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowladda Ethiopia oo la sheegay in ilaa iyo xad ay guul ka gaartay dhaxdhaxaadinteedii.

Wararka ka imaanaya Magaalo Madaxda Ethiopia ee Addis Sababa ayaa sheegaya in Madaxdii ka kala tirsanayd Dowladda Ethiopia iyo siyaasiyiintii kale Shisheeye oo baryahaanba ku howlaneed in ay xalliyaan khilaafkii waynaa ee soo kala dhax galay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmad iyo Raysul Wasaare Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde)ay haatan ilaa iyo xad xal ka gaaraan.

Wararka arrintaan la xariira ayaa sheegaya intaasina ku daraya in is fahansiinta 2daasi oday oo waqti iyo farsamooyin badan qaatay ay is fahansiintoodu wali socoto,ayna iyaga laftoodu arrimihii ay isku qabteen ay si hoose xallintooda iskula meel dhigayaan.,

Wararku waxay intaasi sii raacinayaan in marka ay isku afgartaan waxyaabihii dhinacyada badnaa ee ay isku hayeen gaban gabada arrinta ay soo wada jeedin doonaan iyaga iyo siyaasiyiintii iyo saraakiishii ka kala socotay Ethiopia iyo Shisheeyaha kale ee dhaxdhaxaafintooda waqtiga iyo aqoontaba u hureen.

Haddii si rasmi ah loogu guulaysto heshiisiinta Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmad iyo Raysul Wasaare Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) waxaa meesha ka baxaysa fallaar ku taagnayd hisheeyaha gacanta kula jira arrimaha Soomaaliya golayaasha Dowladda ka sakoow.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®