Kuwa Soomaalinimadii
Sharafta Lahayd Ka Doortay Hawiyinimo Aan Meelna Gaynayn Sow
dhab Ma ahan?!!!.
Somaliya maanta meesha ay taalo cid aan idinka ahayn oo dhigtay
ma ay jirto. Maxamed Siyaad subaxduu ka baxay Muqdisho, magaaladi
iyo dalkii uu ka tagay darxumo haka jirto, laakiin dal jira
oo wax walba leh ayuu ahaa. Labadii nin ee idinka iniga dhashay
soomay ku tumaan magaalada dhamayd ee Muqdisho. Soow isma aydaan
ceebayn oo maanta ummada Soomaaliyeedna maydaan ceebayn.
Hawiyaw waad ceebaysantahay. Adigu dadkii Soomaaliyeed intii
nadiifta lahayd ee sharafta lahayd ee kasoo jeeday Qabiilka
Hawiye waad ceebaysay. Soomaalina waad ceebaysay, oo waa adiga,
adiga, (you) midka ka masuulka ah meesha ay maanta Somaliya
xoorantahay.
Mar hadaad Hawiye ahaan u haamooteen oo intaad been isku akhriseen
uu idin galay damac ah inaad kaligiin yeelataan maamulkii Dawladnimo
ee ay wadajir ahaanta ku lahayd dhamaan ummada Soomaaliyeed
meel kasta oo ay kala joogto oo aad waliba wax maamuli weydeen
oo aad noqoteen dad wax ay haleeyaan ama burburiyaan mooyee
aan wax hagaajin karin.
Hadaad haamooteen oo uu damac ilaa iyo heerkaas ah ini galay
iyo inaad damacdaan inaad kaligiin wax hantidaan, aaway! war
aaway! Aaway Dawladnimadii Ummada Soomaaliyeed? Maanta sawta
18ka sano la marayo ma aha? Aaway dalkii la oran jiray Soomaaliya
ee aduun waynuhu oo dhan la macaamiloon jiray ee iska lahaa
dayuuradaha, hay,adaha, iyo safaaradaha dibedda ka matala.
Wax la idinka dhagaysanayo ma aha waynu is dilnay oo markii
horeba ileen waxa ini waday hunguri iyo xukun doon uun bay ahaydee,
waxaasi waa sheeko caruureed.
Midda kale, waan is xoraynay oo reerka Daarood la yidhaah baanu
iska xoraynay 1991 oo waa cayrsanay iyo sheeko caruureedka meelahas
lagu wadwado, soo ceeb idinkuma aha? Yaa marka horeba adiga
ku haystay? Maxaa beenta la isugu sheegi?
Magaalada Muqdisho dadkii Huteelada, bakhaarada, iyo makhaayadaha
ugu waawayn ku lahaa soo adiga ma ahayn, sawtii xitaa madaxdii
ka ag dhawayd Maxamed Siyaad ay adiga baararkaaga iman jireen,
iyagoo darajo sare moodaya in ay fadhiistaan maakhaayad ay leeyihiin
Hawiye.
Huteelada iyo maalka iyo nimcadaas aad cid walba kaga badsateen,
inta aad hesheen soo ma ahayn intuu Maxamed Siyaad xukunka qabsaday?
Ninkii Madaxweynaha ahaa ee markii aad ku dan gaarteen aad tiraahdeen
Daarood buu ahaa, soo ma ahayn midka wax kasta idiin sameeyay?
Yaa Maxamed Siyaad ka hor oo Hawiye ahaa oo maal lahaa?
Sawtii aysan jirin adiga cid kaa Wasiiro iyo madax badnayd??
Mareexaankii dhamaa ee wiilkoodii Maxamed Siyaad Dawladnimada
21ka sano hayay soowtii ay halka Wasiir kaliya iska lahaayeen
ma aha? Cabdiraxman Jaamac Barre mooyee, goormuu Mareexaan Wasiir
kale lahaa.
Wixii shalay iyo maantadan la joogo Dawladu dhiseysay soow magaalooyinkiini
iyo degaankiini ma ahayn? Boqolaalkii ahaa dugsiyo iyo kuwo
kaleba meelihii laga hir galin jiray soo Banaadir, Hiiraan,
iyo Jubooyinka aad degtaan ma ahayn?
Sawtii mashruuc walba oo ummada Soomaaliyeed loogu deeqo deegaankiina
laga hir galin jiray ma ah? Waxaas oo nimco iyo maal ah ee niliigu
deeqay ma Soomaalinimo ayeey ahayd mise Hawiyinimo?
Woqooyiga dhan oo aan anigaygani kasoo jeedo, oo dadkiisi wax
bartay halgan aysan u baahnayn iney dhiig Soomaaliyeed ku daadiyaan
oo ay dadkoodina ku kacaan, waxa galiyay ee ay ka muraara dilaaceen
iyo Soomaalinimadii ay ka niyad jabeen iyo iney goostaan waxa
ku kalifay soo markii doqonkii Madaxtooyada fariistay ee Maxamed
Siyaad uu warshad iyo mashruuc walba Koonfur ka hirgaliyay ma
aysan ahayn?
Kumanaankii qaxooti ahaa ee maanta aduun waynuhu gurtay ee maanta
ku sugan Yurub iyo arli shisheeye ah oo dhaxan badan oo dhibaato
badan, yaa aakhara iyo aduunba ka mas,uul ah arrintaas?
Qabiilada Soomaaliyeed qabiilka ugu magacyada badan leh ee ah
tuuga, mooryaanta, qabqablaha, qaran diid iyo qaran dumiska
soo idinka maaha. Soo idinka maaha dadka ay Soomaaliya ka degi
la,dahay? Soo idinka maaha dadka Somaliya maanta meesha ay xoorantahay
dhigay?
Dadka maanta ugu ururo iyo kooxaysi iyo maleeshiyo badan leh
soo idinka maaha?
Dadka ay maanta Madaxweynenimada ummada Soomaaliyeed kabahu
kaga dhamaadeen soo idinka maaha? Waxay la mid tahay nin indha
la, oo guri mugdi ah oo qolol tiro badan ka kooban mukulaal
madaw ka raadinaya!
Hawiyaw! Maanta cidda aad wax u sheegi kartaan oo idin ka akhrisanaysaa
waa ciddma?
Sowtii xitaa Mooryaanka aad baadiye ka soo waasheen si aad itaal
uga dhigataan ee aad kusoo hawl galiseen Xamar, oo guri walba
oo Daarood leeyahay ayaan soo furanaysaa aad isugu sheekayseen.
Waxa maanta ku haysta ee aad aduun iyo aakharaba u seegtay ee
aad cid walba aduun iyo aakhara u seejiseen soow ma aha xigmadda
Soomaaliga ah ee leh: Wax badso wax beel ayeey dhashaa!
Walaaladaydaas hungurigu qaaday ee Hawiye waxaan oran lahaa
ka waantooba riyada khayaaliga ah ee aad isugu sheekayseen,
qofna ma doorto ficil xun oo shaydaan, sababto ah waaba wax
xun. Laakin qofka dooranaya waa qof ku khaldamay oo wanaagi
uu raadinayay ugu khaldamay, farxadii uu raadinayay oo la gashay
ficil shaydaan. No man chooses evil, becouse it is evil, he
only mistakes it for happines, the good he seeks!
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com