Masuul sare oo
ka tirsan Dalka Keenya oo si geesinimo ah uga hadlay xaqiiqda
dhabta ah ee dhaibaatada ka jirta Soomaaliya iyo cidda ka masuulka
ah.
Hadalka masuulkaan ayaa ku soo aadaya waqti
xaaladaha dhibaato ee ka jira Soomaaliya loo waysan yahay ilaa
hadda wax xal ah ayna jiraan in dalalka danaha gaar iyo kuwa
fogba ka leh Soomaaliya ay bixinayaan hadallo ay ka mid yihiin
in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ay masuul ka yihiin waxa
ay ugu yeeraan kooxo argagixiso ah ,ilaa iyaga la cirib Tirana
aan wax xal ah laga gaaraynin.
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka
dalka Keenaya Faarax Macallin Dawaara oo ka hadlayay xaqiiqda
dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya
aysan joogin dad Soomaaliyeed oo ah waxa loogu yeero argagaxiso.
Masuulkaan oo noqonaya masuulkii heer intaasi la ek masuul ah
dalka Keenya oo arrintiisaan sii ambo qaadyay ayaa sheegay in
Argagixisa kali ah oo uu aaminsan yahay in Soomaaliya ay joogaan
ay yihiin Ciidamada Ethiopia iyo cidda gacanta ku siinaysa in
ay sii joogaanba.
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka
Dowladda Keenya Faarax Macallin Dawaara ayaa sheegay in haddii
ay wax argagixiso ah joogaan Soomaliya la arki lahaa lana soo
bandhigi lahaa lana soo saari lahaa Maxmadaha wax lagu xumo.
Guddoomiye Faarax Macallin Dawaara ayaa waxaa kaloo uu hadalkiisa
ku sheegay in argagixisa la leeyahay waxaa ay joogtaa Soomaaliya
ay ujeeddeeda laga leeyahay tahay in lagu dhibaateeyo dadka
iyo dalka Soomaaliyeed loogagana hor tago midnimadooda iyo sidii
ay u heli lahaayeen dowlad wax ka qabata dhibaatoouyinka dhinacyada
badan ee muddaba ku hagoognaa in muddo ah.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa kaloo uu warbixintiisa uu ku
tilmaamay in uu guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayo in
ay xoojiyaan midnimadooda dhagahooda iyo aragtiyaddoona ay ka
saaraan hadallada beenta ah ee la doonayo in lagu kala qayb qabiyo
dano gaar ahna loogaga gaaro.