Eedayn iyo dhaliil
xoogan oo loo jeediyay xildhibaannada ka hadlay arrinimihii
ugu dambaysay ee Kismaayo.
Qaar badan oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed
ayaa dhaliil iyo cambaarayn ballaaran u jeediyeen xildhibaannada
ka tirsan kuwa Dowladda fedaraalka ah ee shalay shirka jaraa-id
ee ay kaga hadlayeen dagaaladii dhowaan ka dhacay Magaalada
Kismaayo ku qabteen Magaalada Baydhabo.
Arrintaan ay xildhibaannadaasi shirka Jaraa-id ee ay Baydhabo
ku qabteenMaalintii shalay taariikhduna ahayd 23/8/2008 ay ugaga
hadleen
Dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay
Kismaayo, eryiddii Col Xildhibaan Barre Aadan Shire iyo Kooxdiisiiba
ay ugaga saareen Xoogagga Xaq u dirirka Soomaaliyeed Magaaaladaasi
.jawaabtii ay ka bixiyeen qaar ka mid ah xildhibaannada Dowladda
Fedaraalka ee Baydhabo ayay ka yiraahdeen qaar ka mid ah bulshada
Soomaaliyeed in xildhibaannadaasi ay yihiin kuwo qabiilka caabuda
balse aan qiimaynin xaqiiqaha ka jiray Kismaamyo ee ahaa dhibaatooyin
ay sababeen Barre iyo kooxdiisaasi.taasina ay nasiib darro tahay
iyo xumaan ku taageerid ay ku dhaqaaqeen xildhibaannadaasi ayna
ugu difaacayaan xumaantoodaasi..
Bulshadaan aragtiyadooda ku dhaliileen Xildhibaannada difaacay
Col Barre Hiiraale iyo kooxdiisii Kismaayo laga eryay ayaa sheegeen
in aan xisaab lagu soo koobi Karin qaladaadka dil,dhac,afduub,xayiraad
iyo kuwo la mid ah oo ay kooxdaasi Kismaayo ka gaysteen muddadii
ay sida qabiilka ah ugu amar ku taaglanayeen.oo ay ka mid ahaayeen
dilkii Shaqaalihii Gargaar u fidiyayaashi Shacbiga Tabaalaysan
ee MSF iyo ka eryiddoodii Kismaayo iyo deegaannada la xariira
.dilkii Wariye Naxteex Daahir,Afduubyo qaar badan oo ka mid
ah howlwadeennadii Hay.adihii samafalka ee kale ,iyo dad kale
oo fara badan iyo dhibaatooyin kale aadna u badan oo ay u gaysteen
dadka reer Kismaayo
Bulshada dhaliishaan u jeedisay xildhibaannada
ay isku haysbta yihiin Col Barre Hiiraale oo aragtidooda sii
ambo qaadayeen ayaa tilmaammeen in xildhibaannadaasi ay ceeb
ku tahay in hadda ka hor aysan ka hadlin waxna ka qaban dhibaatooyinkaasi
ay muddooyin dheer ku hayeen kooxdaasi guud ahaan iyo gaar ahaanba
bulshadii ku noolayd Kismaayo iyo deegaannada la xariiraba.
Waxaa kaloo ay bulshadaani ku dhaliileen aragtida
qaldan ee ay aaminsan yihiin xildhibaannadaasi waa sida ay hadalka
u dhigeene oo ah in ay hilmaansan yihiin in Kismaayo iyo deegaannada
la xariira degaankeeda marka laga hadlo tirade iyo u soo kala
horraynta dadka daga ay Col Hiiraale iyo Beeshiisu ka yihiin
kuwo tiro ahaan ugu yar,suurto galna aysan ahayn in hal beel
ay xoog ku haysato ugu yaraan baqolaal beelood sidoo kalana
la og yahay in Beesha Hiiraale intii ay qoriga caaraddiisa ku
haysteen kismaayo ay iyagu qaadan jireen kuna amar ku taaglayn
jireen Khayraadka iyo Maamulka halkaasi ee ay ugu horreeyaan
Dakadda iyo Garoonka diyaaraha iyo maamalidda dakhliyada kalaba.
Waxaa kaloo ay aragti dhaliilkooda ku sheegeen bulshadani in cidina
aysan bulshada fara badan ee reer Kismaayo iyo deegaannada la
xariiba ku qasbi Karin in mar kale ay Col Barre Hiiraale iyo Kooxdiisa
qabiil isku aamin ku amar ku taagleeyaan.Xoogagga xaq u dirirka
ee tilaabadaasi meel mariyayna aysan ahayn kuwo qabiil shaqo ku
leh ayna ku ammaanan yihiin bulshada reer Kismaayo la garab istaagayaan
taageeradooda dhinac walbo ah.