Col-ku ma ku qanci
doonaa dhexdhexaadinta nuxurkeedu yahay candhuufta dib u liq..?!!!
Wararka ka imaanaya Magaalo Madaxda dalka Ethiopia ee Addis
Sababa ayaa sheegaya in dhacdhaxaadinta muddaba laga dhax waday
Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ah Cornayl Cabdullaahi Yuusuf
Axmad iyo Cornalka kale Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ah
Raysul Wasaaraha Xukuumadda dowladdaasi ayaa sheegaya in marka
la eego arrimihii ay isku maandhaafsanaayeen intoodii badnayd
loo ansaxiyay sax ku ahaanshahooda Raysul Wasaare Nuur Cadde.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa arrimaha la sheegay in laga
ansixiyay loona tusay in loogaga saxan yahay waxaa ka mid ah
In xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
ahaana duqii Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabaab(Maxamed
Dheere) ay sidoodii ansax u tahay iyo mid aan laga daba hadli
karin,in Raysul Wasaaruhu u madax bannaan yahay howlaha kala
duwan ee Xukuumadda iyo hay.adaha kalaba madaxweynuhuna uusan
shaqo ku lahayn arrimahaasi sida Magacaabista xilalka kala duwan
iyo ka qaadistoodaba sida Kuwa golaha Wasiirada.Hay.adaha fulinta.Madaxda
gobollada .Dagmooyinka iyo wixii la mid ahba.
Wararka arrintaan la xariira oo ah kuwo ilo badan oo lagu
kalsoonaan karo ka soo kala baxaya balse aan wali meel fagaare
ah laga sheegin ayaa haddii ay xaajadu sidaasi noqoto waxaa
macnaheedu noqonayaa in Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Cornayl
Cabdullaahi Yuusuf Axmad dhaxdhaxaadintaasi noqonayso waa lagaa
saxan yahay ee candhuufta dib u laq.
Haddaba Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Cabdullaahi Yuusuf
Axmad oo muddo dheer soo ahaa Sarkaal Melatari oo aan laga dabo
hadlin,Guddoomiye Jabhad oo waqtigaasi laftiisa aan laga dabo
hadli jirin iyo Madaxweynenimo awood buuxda lahaaa ee muddo
ka badan 10 sanadood ayaan la ogayn sida uu ugu qanci doono
dhaxdhaxaadintaasi macnaheedu yahay candhuufta dib u laq waa
lagaaxan yahaye kana gacmo duubnoow dhammaan howlaha mamaul
iyo siyaasadeed ee Xukuumadda aad ku magacaaban tahay Madaxweynaheeda,iyadoo
ay dhanka kale muuqato in uu xubnaha golaha Baarlamanka oo kali
ah kaheli karo kalsooni uuba kaga takhalusi karo ninka ay is
hayaan ee Raysul Wasaare Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) ,iyadoo
Baarlamaankaasina ay Waardiyeeyaan Ciidamada Dowladda Ethiopia
ee dhaxdhaxaafintaan soo go.aamisay dowladdoodu.
Hadal iyo dhammaantiis sida arrimuhu ay noqdaan ciddii gaarta
waa la arki doonnaa.