24/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Wada jir ayaa galabta lagu dilay isla degmadaasi.

Guddoomiyahaan oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Xasan ayaa la sheegay in ay dileen kooxo bastoolado ku habaysnaa.

Masuuliyiinta Degmadaasi oo xaqiijiyeen toogashada iyo dhimashada Guddooyihaasi ayaa intaasi ku dareen in qaar ka mid ah kooxda bastooladaha watay ee dilkaasi gaysteen ay toogteen ciidamada nabad galyada degmadaasi halkaasina uu isagiina ku geeriyooday.

Dilka Masuulkaan ayaa ka mid noqonaya masuuliyiin fara badan oo ka tirsanaa dowladda fedaraalka ee gobolkaan banaadir oo dilkooda lala xariirinayo dagaalka u dhaxeeya dowladda fedaraalka iyo kooxaha la dagaalama diidanna siyaasaddeeda iyo joogitaanka ay dalka joogaan ciidamada Ethiopia.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®