25/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

War saxaafadeed looga hadlay heerka dhibaato ee ay gaarsiisan tahay xadgudubyada bulshada oo laga soo saaray magaalada Gaalkacyo

W arsaxaafadeedkaan oo uu soo saaray Dhaqdhaqaaqa nabadda iyo ilaalinta xaquuqda aadanah ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo UNNAXA ayaa aad loogugu faahfaahiyay heerka uu gaarsiisan yahay xadgudubyada waqtigaan lagu hayo bulshada gobolka Mudug ayna ka dambeeyaan dhinacyo badan oo isugu jira dabalay hubaysan ,maaullo iyo wax ma garad kale.

Warsaxaafadeedkaan oo uu u saxiixnaa guddoomiyaha Dhaqdhaaqaasi Abwaan Cali Deeq Maxamed Xaashi ayaa lagu yiri:-

Anigoo ku hadlaya Magaca dhaqdhaqaaqa Nabadda iyo Xuquuqda Aadamaha ee UNNAXA, kana mid ah ururrada bulshada rayidka ah ee GalMudug, waxaan rabaa inaan halkan ku muujiyo sida aan uga xunnahay amni-darrida ay aqool-xumadu keentay ee ka jirtay baryahan Koonfurta Gaalkacyo.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa " Waxaad qarsato way ku qarsadaan. Koonfurta Gaalkacyo way ka Nabad fiicnayd Woqooyiga Gaalkacyo bil ka hor. waxaana taas daliil u ah in dadkii Soomaaliyeed ee W/Gaalkacyo ugu noolaan-waayay Nabad-galyo-xumo ay u soo qaxeen K/Gaalkacyo, halkaas oo ay ku nafiseen!.

Waxaan rabaa inaan halkan ku soo gudbiyo dareenka walaaca leh ee bulshadeennu ay ka qabto maalmahan xagga amniga. waxayna ahayd dhacdadii ugu dambaysay Isbaaro ay barqanimadii 23/08/2008 dhigteen koox gadood ahayd oo ka tirsan ciidanka GalMudug koontaloolka maamulka GalMudug ee laammiga Koonfurta Gaalkacyo. waxaana rasaas xoog leh ay kooxdaas is-dhaafsadeen koox kale oo ciidanka GalMudug ah oo ilaalo ka ahayd dakhliga maamulku uu ka qaato halaasi ee ah koontaroolka K/Gaalkacyo. nasiib-wanaag rasaastaas ma keenin dhimasho iyo dhaawac midna!


duhurnimadii shalay ayaa wax-garad madax-bannaan oo uu ka mid yahay Nuur-Ganey, oo hadda ah nin ganacsade ah, horayna uga mid ahaa saraakiisha ciidanka deegaannada GalMudug, waxay ku guulaysteen inay qaadaan isbaaradii ay dhigteen Kooxdii ka tirsanayd ciidanka GalMudug ee gadoodsanayd. waanan u mahadcelinaynnaa cid kasta oo gacan ka gaysatay qaadista isbaaradaas.

waxaan cambaaraynaynnaa falkaas gurracan ee isbaarada!. iyo sidoo kale xad-gudub kasta oo jira!. sida muwaadiniinta sida shar-ciddarada ah muddada dheer af-duubka loogu kala haysto Woqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Waxaa nasiib-darro ah, in muddadii saacadaha ahayd ee kooxdaas ay isbaaradu u taallay, labo koontalool oo is-ag taalla oo ciidanka GalMudug u wada taalla, looga gaadayay gaadiidka safarka ah labo lacagood,

waana markii 2-aad oo muddo 3 toddobaad gudohood oo kooxdan ka tirsan ciidanka GalMudug ay iyagoo wax tabanaya isbaaro dhigtaan laamiga. inkasta wax la taban karo haddana waxaa ceeb ah in sharciga gacmaha lagu qaato oo isbaaro sharci-darro ah la dhigto.

waxaan sidoo kale halkan ku muujinaynnaa niyad-jabka ay bulshada GalMudug ku rideen masuuliyiinta Gaalkacyo joogta ee xilligan hoggaaminaysa GalMudug, kuwaasoo iimahooda ugu darani ay yihiin marin-haabin, karti-darro, hal-abuur xumo iyo talo-qaadasho la-aan. waxayna shaqadoodii oo dhan ku soo koobeen masuuliyiintaasi inay shirar iyo xaflado ka qudbeeyaan!. si loogu masawiro!. waxaanan u aragnaa kuwaasi inay gabeen masuuliyaddoodii. ayna ka meermeerayaan inay wajahaan arrimaha muhiimka ah ee xalka u baahan ee waajibka ku ah!. sida; wax-ka-qabashada Nabadgalyada, Galsoorka iyo dhaqaalaha. waxayna rabaan inay rayulcaamka qaldaan. jaaliyadaha dibaddana ay ka indha-saabaan xaqiiqada! Xaqiiqo ahaanna waxay ku sifoobeen Darandoorri taagnow"!.


Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®