25/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mid ka mid ah Xildhibaannada oo sheegay in ay doonayaan masuuliyiin ka madax bannaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Ethiopia.

Xildhibaan Caasho Axmad Cabdulle oo ka mid ah xildhibaannada dowladda fedaraalka ee saldhigoodu yahay Maaalada Baydhabo ayaa sheegtay in xildhibannada aysan khusaynin dhax dhaxaadin ku sheegga la sheegay Ethiopia lagu saxiixayo lana leeyahay waxaa lagu dhammeeyay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Col Cabdullaahi YuusufAxmad iyo Raysul Wasaare Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde).

Xildhibaanad Caasho Axmad Cabdulle oo habeenkii xalay ay waraysi dhinacyo badan la yeelatay Idaacadda Simba ee ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayay ku sheegtay in dhaxdhaxaadintaasi ay ujeedadeedu tahay in lagu qariyo hantidii ummadda Soomaaliyeed ee ay lunsan tahay Xukuumadda Nuur Cadde ,mudaddii 7 bilood ah ee ay xilka haysana wax ay qabatay aysan jirin haba yaraatee waasida ay hadalka u dhigtay xilldhibaanaduye.

Xildhibaanad oo caro aad ah oo ay u qabtay Raysul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadd) aynaba dhibaysay in magaciisaba ay sheegto ayaa tibaaxday in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu waji doono tilaabo ay xilka ugaga xayuubiyaan xildhibaannadu haddii uu ogolaado in Nuur Cadde uu kula heshiiyo wahwareerinta bulshada iyo lunsashada hantidii ummadda Soomaaliyeed

Xildhibaanad Caasho Axmad Cabdulle ayaa waxaa kaloo ay sheegtay in Ethiopia ay tahay cadow ay leedahay Ummadda Soomaaliyeed aysanna yeelanaynin xildhibaannadu in masuuliyiinta Dowladda,Baarlamaanka iyo Xukuumadda wixii la rabo loogaga soo yeeriyo.

Caasho Axmad Cabdalle oo aad iyo aad ugu dheeraatay dhailiisha iyo fadhiidnimada ay ku tilmaantay xukuumadda Nuur Cadde ayay ku sheegtay in xataa deegaannadii ay xukuumadd haysay isga ka hor nabaddana ahaa ay haatan faraha ka baxeen,nabad galyada dalkuna ay aad iyo aad u sii xumaatay maalin kastana ay dhintaan in ka badan 5oo oo qof.

Xildhibaannadu waxaa kaloo ay sheegtay in xildhibaannadu ay soo ceshanayaan sharaftoodii Masuuliyadnimo ayna tilaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo nidaamka iyo dastuurka in ay ku tomato damacda sida Madaxweynaha.Guddoomiyaha Baarlamaanka.Raysul Wasaaraha iyo cid kalaba.

Hadalkaan aadka u kulul ee ka soo yeeray xildhibaanad Caasho Axmad Cabdalle ayaa ku soo aadaya waqti ay dhinaca Magaalada Addis Sababa ka soo yeerayaan in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweyne Yuusuf iyo Raysu Wasaare Nuur Cadde

Howl galo dad lagu qabqabtay oo shabaabku ay ka filiyeen Diinsoor hebeenkii xalay.4 nuux oo falal ammaan darro ku howlanaayeen isbaaro u tiillay lana dhigay xabsiga dhexe ee Diinsoor.arrintaan ayaa loogaga hor tagayaa kooxo falal ammaan darro ka gaysanayay degmadaasi deegaankeeda oo dhan iyo deegaannad akale ee xiriirka la lheba.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®