Howl galo dad
lagu qabqabtay oo shabaabku ka filiyeen Diinsoor
Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor Gobolka ee Baay ayaa sheegaya
in habeenkii xalay xarunta degmadaasi iyo deegannada la xariiba
laga fuliyay howlgallo burcad baacsi ah
Howlgalkaan oo ay fuliyeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan
dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Shabaabka oo iyagu gacanta ku haya
maamulka iyo ammaanka degmadaasi iyo deegaannada kale ee la
xariira kana kala tirsan Gobollada Baay iyo Gedo ayaa lagu sheegay
in howlgalkoodu uu ahaa mid loogaga hor tagayay falal soo noq
noqday oo burcad deegaankaasi isbaarooyin ay ku dhiganayeen
waddooyinka soo gala ama ka baxa degmada Diinsoor.
Howlgalkaan ay xalay fuliyeen Xoogagga Shabaabka ee degmada
Diinsoor ayaa wararku waxay intaasi ku darayaan in ay ku soo
qabqabteen ila iyo 4 dhalin yaro ah oo howlo furcadnimo faraha
kula jireen
.iyadoo isla markiibana loo gudbiyay xabsiga dhexe degmada
Diinsoor.
Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya waqti ay dhammaan degmooyinka gobolkaasi
Baay marka laga reebo caasimadda Baay ee Baydhabo ay dhammaantood
gacanta u hayaan xoogagga Shabaabku iyo u diyaar garoow guluf
colaadeed oo laga abaabulayo degmada Dariska la ah Diinsoor ee
Baardheere.kaas oo u muuqda in ay mar kale foodda isku dari doonaan
xoogagga Colka Barre Hiiraale ee Kismaayo laga soo baacsaday iyo
Xoogagga ka soo horjeeda joogitaanka dalka ee Ciidamada Ethiopia
iyo Siyaasadaha ay ku dhaqanto Dowlada Fedaraalku.