Warar soo baxaya
oo sheegaya in Maxamed Cumar Xabaab (Maxamed Dheere) uu isaga
tagay Magaalada Muqdisho.
Warar ay isla dhax marayaan qaar ka tirsan Bulshada Muqdisho
ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana duqii
Caasimadda Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere) dhawaanna
uu xilalkaasi oo dhan ka xayuubiyay Raysul Wasaaraha Xukuumadda
Fedaraalka Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) uu isaga tagay Magaalada
Muqdisha.
Wararkaan ayaa intaasi ku daraya in Maxamed Dheere uu magaalada
Muqdisho ugaga baxay baabuur,iyadoo wararku u badan yihiin in
dhinaca gobolka shabeelada Dhexe waliba xeebta uu maray.
Wararka arrintaan la xariira oo aan si rasmi ah loogugu wada kalsoonaan
Karin maadaamaa Maxamed Dheere uu wali ku adkaysanayo in uu isagu
hayo xilalkaasi oo dhan ayay ayay warbixintu waxay ku soo aadaysaa
,waqti Magaalada Addas Sababa ay xallinta khilaafka xilka qaadistiisu
sababtay u joogaan Madaxda ugu saraysa dowladda Fedaraalku..