25/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Labo ruux oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay agagaarka xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho

Agagaarka xarunta hey’adda UNDP oo ku taala inta u dhexeysa garoonka dayuuradaha Aadan cadde iyo isgoyska Km-4 degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta waxa ka dhacay qarax u xooggan oo gilgilay deegaankaasi oo dhan sida dad goob joogayaal ahi sheegeen.

Qaraxan oo loo adeegsaday miinada dhulka geliyo ee sheeda laga hago ayaa lala beegsaday gaari Roonet ah oo ay la socdeen labo nin oo la sheegay iney ka mid ahaayeen ciidanka canshuuraha ee garoonka dayuuradaha, waxaana lagu soo waramayaa in lala helay gaarigaasi oo xiligaasi marayey meel u dhow xarunta heydada UNDP.

Warka ayaa intaa ku daraya in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen labadii nin ee gaarigaasi la socday oo mid ka mid ah la sheegay in xaaladiisu ay aheyd mid halis ah ka dib markii ay labadiisa lugood ay go’een,. Iyadoo daqiiqado ka dib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa DF oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka, kuwaasoo rasaas ooda kaga qaaday dadkii goobahaasi ka dhowaa oo iyana ka kala cararay, inkastoo aan la sheegin waxyeelo ka dhalaatay rasaastaasi, waxayna ciidamadu halkaasi ka sameeyeem baartiaano aan la ogeyn wax ay ku soo qabqabteen, iyagoo sidoo kalena ka qaaday dhaawaca labada ruux ee qaraxaasi ku dhaawacmay.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®