Dadka deegaanka
iyo odayaasha reer Gedo oo sheegay iney la dagaalamayaan xoogaaga
Islaamka ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cali Kaliil
ayaa shaaca ka qaaday in uu la dagaalamayo islaamiyiinta ku sugan
Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Maxamed Cali Kaliil ayaa intaa ku daraay inay
la dagaalamayaan Islaamiyiinta soo buux dhaafinaya Baardheere
isaga oo ku Tilmaamay iney yihiin Argagixiso Caalami ah gobolka
soo gashay.
Xaalada Magaalada Baardheere ayaa la sheegayaa
in ay hadda tahay mid kacsan isla markaana ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo
Milatari, waxaana laga cabsi qabaan in ay ku dagaalamaan Magaaladaasi
Islaamiyiinta soomaaliyeed ee degmadasi jooga iyo Maleeshiyada
Barre Hiiraale ee halkaasi ku soo wajahan Dhinaca
kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Barre Hiiraale uu
ku suganyahay halka lagu magacaabo “Baabaxaliimo”
oo la sheegay in uu kula kulmayo Ugaaska Beesha Sadde Ugaas Cumar
Ugaas Xirsi, 40 dhaawac ah ayaa la sheegayaa in uu Barre Hiiraale
uga tagay halka lagu magacabo Girileey kuwaas oo halkaasi lagu
dabiibayo isla markaana aysan jirin wax waxyeelo ah oo illaa hadda
loo geystay.
Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com
|