25/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xoogagga Islaamka Soomaaliyeed ee Kismaayo kala wareegey Gacankuheyntii xoogaagii Xildhibaan Barre Hiiraale iyo odayaasha magaaladaasi oo kulan xasaasi ah yeeshay maanta

Sida ay xaqiijinayaan warar madax banaan oo laga helayo ilo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa noo xaqiijiyay in shalay ay kulan wada yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka kismaayo iyo Islaamiyiinta sida wadajirkaa ah u qabsaday magaaladaasi.

ilahaas ayaa intaa ku daray in labada dhinaca ee kulanka wada yeeshay ay u sheegeen in la isla gaaray isfaham hor dhac ah oo wax ku ool ah isla markaana ay Meesha ka baxeen Tuhuno iyo kala didsanaan ka dhex jirtay Islaamiyiintii wada qabsaday kismaayo.

Si dhab ah looma sheegi karo illaa iyo hadda ajandayaasha ay ka wada hadleen iyo waliba Natiijada ka soo baxday balse waxa ilo xog ogaal ahi sheegayaan in la wado Barnaamijyo farsamo iyo waliba qaabkii Maamulka iyo ciidamada loo kala habayn lahaa.

Dhinaca kale warka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac si joogta ah loo soo gaarsiinayo Talooyin iyo Barnaamijyo lagu xalinayo arinta Kismaayo taas oo ay dal iyo dibadba ka soo dhiibayaan wax-garad soomaaliyeed oo damacsan in ay wax lagu farxo oo aan dhibaato keenayn ay ka dhacaan kismaayo.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in mar kale ay labada dhinac balameen balse aan la sheegin maalinta ay sida rasmiga ah isu hor fariisanayaan iyo waliba dadka ka qeyb galaya intaba.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®