25/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xafiiska Xoghayaha Gaashaandhiga Isbahaysiga Dib u Xoreynta Somalia.

Xafiiska Xogahayaha gaashaandhiga isbahaysiga dib u xoreynta Somalia, Sh Yusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) wuxuu beeninayaa war ku soo baxay qaar ka mid ah kuwa saxaafada habka isbaarada u isticmaala, kaasi oo ahaa in ciidamada gobanimodoonka ah afduub u geysteen Wariyayaal dhawaan laga afduubtay inta u dhexeysa Muqdisho iyo afgooye.

"Xogahayaha Difaaca xoogaga xoreynta dalka hooyo iyo ciidamada xaq u dirirka ee uu hogaamiyo waxa ay hortaaganyihiin 52,000, oo mici ku dhiiglayaal Gumeysiga madoow ee xabashida ah, ee ma hortaagna mana afduubaan Wariyayaasha iyo kuwa doonaya ineey dunida gaarsiiyaan dhibaatooyinka iyo macluusha dhibanayaasha Soomaaliyeed ee cadowgi barakiciyay" .

"Warkaasi ma ahan mid sax ah, mana ka suurtoobo guud ahaan Madaxda Gobanimodoonka Soomaaliyeed, gaar ahaana Xoghayaha Gaashaandhiga ee isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed".

" Qolyaha magaca saxaafada xorta ah ka dhigaya mid lagu xagxagto Madaxda xaq u dirirka soomaaliyeed loogu adeego gumeysiga iyo isbaarada waxaan leenahay cowradiina ayaa muuqata ee lugaha isku qabsaddha "

Xafiiska Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia
Cali Cabdi wardhere ( Cali Yare )
Isniin-25/08/08

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®