26/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Weerarro mabbaanooyin xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo faahfaahinno la xariira

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee magaalo madaxda u ah Gobolka Baay ayaa sheegaya in weerarro qorshaysan lagu kala qaaday Guryaha ay Magaalada Baydhabo ka kala dagan yihiin Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo kan Xildhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato).

Weerarradaan oo ay qaadeen sida ay wararku nagu soo gaarayaan kooxo dablay ahi loona adeegsaday Bumbo gacmeedyo ayaanay wararku wali faahfaahin ka bixin khasaaraha ay gaysteen

Weerarradaan Bumbooyinka loo adeegsaday ee lagu kala qaaday Guryaha Guddoomiye ku xigeenka 1aad Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Cismaan Xasan Cali(Caato) ayaa ilaa iyo hadda waxaan kala caddayn in ay arrimo diineed la xariiraan oo ay ka dambeeyaan kooxaha la dagaalama qaybaha Dowladda fedaraalka sida Ciidamada,Madaxda Dowladda iyo Ciidamada Ethiopia iyo in ay yihiin arrimo ka madax bannaan.

Warar kale oo suurto gal ah meelaha qaarkoodna ka soo baxaya ayaa sheegaya in bumbooyinkaan lagu qaaday Haveenkii xalay Guryaha Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaaka Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato ay la xariiraan khilaafka u dhaxeeya waqtigaan Madaxda qaybaha kala duwan ee Dowladda Fedaraalka sida Madaxweynaha.Raysul Wasaarah.iyo golayaashii Baarlamaanka iyo xukuumaddaba.

Weeraarkaan oo Bumbooiyinka ka sakoow la sheegay in ilaalooyinka madaxdaasi iyo kooxihii weerarka soo qaaday ay is dhaafsadeen weerarro iyo weerar celinno rasaas ah ayaanay ilaa iyo hadda jirin warar dheeraad ah oo la xariira in wax laga qabtay kooxahaasi.tiradooda iyo meesha ay weerarka ka soo qaadeenba.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®