
Shalay Waxaan wadayba wadayee maanta waxaan kuu Wadaa mid ka
mid ah Horyaalka Shirkadaha Somali-land oo ah mid aan ka Fogyan
4-sano Balse la Baratamaysa Xawaaladahha Soomaaliya iyo Somali-land
ugu wayn Waa tee mid kale maahee waa Qaran Ex-Press oo Qiimo
Dhimis ku Samaysay Bisha Barakeysanan ee Ramadaan Macaamiisheedana
waqti ugu kor dhisay Xiliyada ay shaqaynjirtay.

Marka aad soo Gasho ama aad u soo Dhawaato meel aan oa Fogayn
Isgoyska ugu Mashquulka Badan Soomaaliland ee u Dhaw Shirkada
Telsom Waxaa Durba indhahaagu Qabanayaan Xarunta ugu Wayn
Somali-land ee Xawaalada Caan baxaday ee Qaran EX-Press oo
Noqotay U dhiibo hadaleee ka Qado oo waxaad Maqlaysaa marka
aad tagto Goobaha Taleefanada laga Dirsado Erayo ay ka midyihii
(Haa waxaan joogaa meel aan ka fogyan Qaran hada hadaad soo
dhigto waan qaadanayaa iyo Maya ma Xirto ee waa Online Hada
ayaan tagayaa) taasi oo ay isdhaafsanayaan Hoyo iyo ilmaheeda
aabae iyo ilmihiisa Say iyo Seygeeda.

Shirkada Qaran Ex.Press oo ka mid ah Shirkadaha Xawaalada
ee ka Howlgala Magaalada soomaali-land Hargaysa ee Xarunta
Somali-land ayaa waxay ka mid tahay Shirkadaha Dhinaca Xawaalaha
Ugu Hormarsan Caasimada Somali-land, waxaana Gudoomiye ka
ah C/llaahi Jaamac Muuse oo aan ku Booqanay Xafiiskiisa waxa
uuna Nooga Waramay bal sida ay ugu Diyaargaroobeen Bisha Ramadaan
oo maalmo uun Naga Xigto.
“C/llaahi
Jaamac Muuse Aad ayaan Ugu faraxsanahay in aan maanta la hadlo
Bogan oo aan ka warbixiyo Xaalada iyo Horumarka ay gartay
Shirkada Qaran Ex.Press Xarunteeda Somali-land gaar ahaan
Hargaysaa Waxana Rajaynayaa in aan dadka Macamiisha aan soo
Dhawayn fiican u Samayno.
“waxaan Marka Hore Bogaadin u soo Jeedinayaa Maamulka
Shirkada ee kala jooga Dacalada Caalamka aniga oo ugu Hanbalyaynayo
Dhalashada Bisha Ramadaan oo maalmo uun Naga Xigaan waxna
aan ku soo Kordhinay Shirkada Xawaalada waxyaabo badan .
“Illaah Hanaga Dhigo kuwii ka faa’iadaysa Bisha
Barakeysan ee Ramadaan waxaana Umada Soomaaliyeed iyo kuwa
Somali-land u rajaynayaa in ay Naxriista Bishaan soo socota
ee Ramadaan ay Helaan Insha allaah
“ Waxaan ku Samaynay Bisha Ramadaan aawgeed Qiimo Dhimis
sida in aan 1-% aan u Samaynay Macaamiisha iyo in aan Shaqaynayno
inta Badan Habeenkii iyo maalintii sida Markaan Salaada Taraawiixda
ka soo laabano in aan ila 11- iyo 12-ka Habeenimo aan shaqaynayno
Haduu alle idmo.
“ Dadka adeeg Dheeri ah oo aan ahayn kuwii aan u qaban
jirnay ayaan u Qabanaynaa Maxaa yeelay dadku waa dad sooman
sidii hore ama si ka Macaan ayaan ula Macaamilaynaa Macaamiisheena
Sharafta leh.
“ Sakaatul Fidriga Meel walba Ha joogo qof walbaa oo
islaam ah meesha uu Joogo ayuu lacag la’aan uga Dirsan
karaa waana Sakaatul Fidriga oo kaliya waxa lacag la’aanta
ah Meel walba oo ay shirkada Qaran Joogto sida Afrika Yurub
Aasiya Amerika iyo Dhamaan Dunida oo Dhan waa lacag la’aan.
“ Ma jirto Shirkadaha Hay’ad ama Dalad kulmisa
balse waa iska war Qabnaa Waxaana na Mideeya waaxda Ganacsiga
ee Somali-land.
Way Jirtaa in aan Gobolada Somali-land ku leenahay xarumo
Waawayn Xarunta wayna waxay ku taalaa Dubai marka waana kan
Xafiiska ugu wayn.
Waxaa la Furay Shirkada Qaran Soomaaliya iyo Somali-landba
2005-kii Waxayna shirkadaha ugu Mashquulsanyihiin Bisha Ramadaan
iyo Maalmaha iida ah.
Xawaalada Qaran Xarunteeda Hargaysa oo uu Horkacayay Gudoomiye
C/llaahi Jaamac ayaa bilo ka hor Waxay lacag qaybin deeq ah
oo loo soo marsiiyay Ka sameeyeen Gobolka Togdheer oo dad
soo barakacay ay daganyihiin Lacagtaasi oo gaaraysa kumanaan
Doolar ayaa waxaa lagu soo hagaajiyay Shirkadani si ay ugu
Qaybiyaan ilaa 30- Tuulo oo Gobolkaasi kuyaala.
Isku soo Duuboo Magaalada Hargasya Marka aad soo gasho Waxaad
arkyaa Goobo ay Dhisteen ama in Ganacsiga ay ka Hor Martay
oo ay Ganacsatada Somali-lanad sida Gobaha ama Shirkadaha
Ganacsiga Isgaarsiinta kuwa Diyaaradaha iyo gobo kale oo Muhiim
ah waxaa Durba Indhahaagu Qabanayaan Marka aad soo Gsaho Magaalada
Hargaysa Xawaaladaha ay ka midyihiin Qaran Ex.Pres .
Cabdixakiin Cilmi Xasan: Xarunta
Qaran ee Soomaali-land
Cabdixakiin44@hotmail.com
Tell- 002522-4157101