26/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

In ka badan 100 xildhibaan oo ka jawaabay Mooshinkii shalay laga geeyay Nuur Cadde,Madaxweynaha dacwad ku soo oogeen.

Warar dhowaan naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ilaa boqol xildibaan oo ka tirsan xildhibaanada dowladda Fedaraalka ay soo gudbiyeen dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Cabdullaahi Yuusuf Axmad.

Dacwaddaaan oo haatan ka socota sida ay warbixinnadu nagu soo gaarayaan Huteelka Bakiin ayaa wali waxaa socda saxiixa qodobbada la xarira dacwadda lagu soo oogayo Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf qaabka ay noqonayso.

Soo jeedinta Dacwad ku soo oogiddaasi ay boqolka xildhibaan ku soo oogeen Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Cabdullaahi Yuusuf ayaa ku soo aadaysa waqti ay shalay qaar ka mid ah xildhibaanada Dowladda Fedaraalku ay xaruntooda ADC ku soo gudbiyeen mooshin loola jeedo in xilka loogaga xayuubiyo Raysul Wasaare Nuur Cadde iyo Xukuumaddiisa .

Arrintaan ka socota Hoteelka Bakiin ka kana dhinac socota mooshinka xaruntii ADCd ayaa noqonaysa markii ugu horraysay oo xubno intaasi tiro la ek ay sidaasi ugaga soo horjeestaan Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmad waxaana ay tilaabadaani ka dhigaysaa in xubnaha Baarlamaanka oo uu waqtigoodii ugaga haray wax sannad ka yar in ay noqdaan 2 garab oo tiro ahaan isku dhigma ,taas oo meesha ka saaraysa jiritaankii dowladda fedaraalka oo dhanba kana dhigaysa qabiil qabiil iyo koox danaysi ku dhisan,

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®