26/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada Yugaandha iyo kuwa dowladda fedaraalka oo iska kaashanaya qixinta qaxootigii buulo tagniko.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Xaruntii Dugsigii Farsamada(buulo takniko)Degmada Waabare oo ay ku noolaayeen dad qaxooti ah oo ka badan boqolaal qoys ay Saaka aroortii hore baaritaanno weerar ah ku qaadeen Ciidamo ka kala tirsan Dowladda Fedaraalka iyo Yugaandha ee dalka Jooga.

Ciidamadaan isugu jira Yugaandhayska iyo Dowladda Fedaraalka ayaa warbixinnadu waxay sheegayaan in isku qaybiyeen tagitaankoodaasi ka dib iyadoo Ciidamada Yugaandha ay fuuleen Dabaqyada ugu sarreeya xaruntaasi halka kuwa Soomaaliduna ay difaacyo ka galeen dhinacyadeeda.

Arrintaan ayaa waxaa cabsi iyo walaac wayn ka muujiyeen dadkii qaxootiga ahaa ee halkaasi ku noolaayeen muddo ka badan 17 sananadood ,lana sheegay in qaarkood ay bilaabeen in ayba ka qaxaan deegaankoodii ay qaxootiga ku ahaayeen.

Dhacdadaan ayaa lagu macneeyay in Ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo kuwa Yugaandha ee dalka ku jooga magaca Midoowga Afrika ay qaxiyeen qaxootii muddada dheer ku noolalayeen xaruntii Buulo tagniko Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Dhibaatadaan soo foodsartay dadkaasi qaxootiga ahaa dagaaladii dalka ka dhacay awgeedna halkaasi qaxootiga ku soo noqdeen ka dib markii ay ka soo baxeen deegaannadii iyo goobahoodii shaqo ee ay ku sugnaayeen ayaan la ogayn inta ay socon doonto iyo in Ciidamada Yugaandhaysa iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ee Saaka xaruntaasi qabsay ay ka bixi doonaan ama caadi u sii joogi doonaan.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®