26/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

48-Saac ee la soo Dhaafay oo ku Dhawaad 50- ciidama Copiga ah ay isa soo Dhiibeen & Tiro intaasi ka sii badan oo jidka ku soo jira xiliyada soo aadan

Waxaa isi soo taraya Maleeshiyaadka lagu soo tababaray Dalka Itobiya oo ka soo kala jeeda Gobolada Dalka ayaa waxay si habqan ah uga soo baxsanayaan Goobaha la geeyay sida Madaxtooyada, Warshada Baastada, Shirkole iyo guryaha Saraakiisha ayaga oo soo gaaraya Goobaha Nabdoon oo ay ka taliyaan Xoogaga wax iska caabinta.

Waxaa la xaqiijiyay in 48- Sac ee la soo dhaafay ay soo goosteen Maleeshiyaad gaaraya ilaa 50- oo soo kala maray Wadada soo gasha Qabuuraha Barakaat ayaga oo isku soo dhiibay Xoogaga wax iska caabinta loona diyaargaroobay soo dhawayntooda si marka ay soo gaarana loo siiyo dhar ay ka midyihiin Macawiisyada si looga Dhigo Dharaka wasaqda ah oo ay ku jiraan ama ay xiranyihiin halka Jeenan sida Raashinka iyo biyahana lagu qabto si ay uga baxaan haraadka Haysta.

Tan iyo markii ay is qabsadeen kuwa aan la soo dooran ee Xishood darada u jooga Adis Ababa ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay habqan Noqdeen kuwa ka soo baxsanaya waxaana la Xaqiijiyay ilaa 200- oo wata Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Maleeshiyaadkan ayaa marka ay soo baxsanayaan waxay la soo xiriiraan Saraakiisha Xoogaga wax iska caabinta ayaga oo ku wargaliya in ay Meeshaasi ama wadadaasi ka soo baxayaan ayaga oo mararka qaar is Dagaala kuwa soo baxsanayaan si ay u celshaan ayaga oo Rasaas isku fura.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®