26/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dadaallo nabadayn iyo xoojin is fahan oo ka socda Magaalada Kismaayo.

Wararka ka imaanaya Magaalo Madaxda Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa sheegaya in masuuliyiinta iyo saraakiisha hoggaaminaysay xoogaggii dhowaan gacan ku haynta Kismaayo kala wareegeen Col Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo taageerayaashiisii ayaa sheegay in ay bilaabeen kulammo iyo wada hadallo ay la yeelanayaan odayaasha.culumo awdiinka iyo qaybo kale oo ka tirsan bulshada deegaankaasi.

Kulamadaan oo ujeedooyinkooda ay ka mid yihiin sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta arrimaha amniga ee haatan ka jira deegaannadaasi ayaa qaybaha dawada kulmay ay xoogga saareen sidii ay go,aanno guulo ah uga soo saari lahaayeen isku imaatinkoodaasi.

Kulamadaan ayaa waxyaabaha kale ee loogaga wada hadalay waxaa ka mid ah sidii ay qaybahaasi isaga kaashan lahaayeen in Magaalada Kismaayo iyo deegaannada la xariira loo dhisi lahaa maamul wanaagga u hoggaamiya bulshada halkaasi ku sugan.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya waqti Magaalada Kismaayo iyo deegaannada la xariira ee Jubbooyinkaba lagala wareegay maamulladii horay ugaga arrimin jiray walina aan ilaa iyo hadda loo samaynin maamul badala midkii xoogga lagu riday.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®