26/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaal xoogan oo saaka ka dhacay Shiirkole iyo deegaannada la xariira.

Xoogagga xaq u dirirka ah ee dalka Soomaaliya lana dagaalama Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda Fedaraalka kana soo siyaasadahooda ayaa la sheegay in dagaalkaan bilaabashadiisa ay iyagu ka dambeeyeen.

Dagaalkaan oo biloowday 12:00 subaxnimo ama salaaddii subaxnimo ka dib ayaa waxaa uu ahaa mid aad u xoog badan oo hubka nuucyadiisa ay isku waydaarsadeen.

Wararka ka soo baxaya deegaankaasi ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda aan la xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ay isugu gaysteen dhinacyadaasi iyo kan ka soo gaaray dadka rayadka ahba .

Deegaankaan iyo kuwa la xariira oo u badan guryo iyo saro cidlo ah oo horay dagaalada dhinacyadaasi darteed loogaga qaxay ayay yar yihiin warbixinnada laga heli karayaa,iyadoo aysan dhanka kalana aysan wali dagaalkaasi ka hadlin dhinacyada dagaalamay.

Dagaalkaan ayaa niyad xumo ku sii dhaliyay dadka waardiyaha iyo fara ku tiriska ah ee meelaha saaka dagaalku ka dhacay ku dhow dhow,iyadoo ay arrintaanina ku soo aadayso waqti uu foodda nagu soo hayo bilashada Bisha Barakaysan ee Rabadaan ayna dad badan oo ka mid ah kuwa deegaannada Saaka dagaalku ka dhacay quud daraynayeen in ay xataa inta lagu jiro bishaan ay ku soo laabtaan deegaannadoodii.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®