Kuwa Soomaalinimadii
Sharafta Lahayd Ka Doortay Daaroodnimo Aan Meelna Gaynayn.
(Faallo
Abdikarim Ahmed Huseen)
Jariidada la magac baxday (The Independent)
ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa waa hore waxaa lagu soo
qoray in Daarood qof magaciisa wata ama ka dhashay inuusan Somaliya
waligiis Madaxweyne ka noqon doonin.
Hadey Soomaalinimo jirto oo ay wax jira tahay bal waydii kumanaanka
curyaanka ah ee Daarood ee maanta ku darxumaysan Koonfurta iyo
Puntland iyo duurarka magaalo madaxdii hore ee Muqdisho.
Candhuuf bey kugu tufayaan hadey kaa maqlaan Daaroodnimo wax
la dhaho. Waayo! Waxa laxaadkoodi tiray maanay ahayn qabyaalad
iyo Daaroodnimo? Sababtoo ah, hadii aanay dagaal la gali lahayn
Hawiye 1991, cagahooda iyo gacmahooda ayeey qabi lahaayeen.
Daarood! Soomaali oo dhan ayaa adiga ku dooratay. Wax walba
ayaa adiga agtaada yimid. Soomaali oo dhan ayaa kusoo martiday
oo ku tidhi na maamul. Waxaad iska noqotay: Dameer malab la
saaray oo aan ogsoonayn macaanka uu malab leeyahay!
Aduun waynaha iyo dhamaan bulsho waynta Afrika
ayaa wada ogsoon in qabiilka Daarood la yidhaah aysan ku jirin
wax wadaninimo ah ama Soomaalinimo ah. Kuwaasi dan qabiil mooyee
maxaa Soomaali u dan ah kuwa waligood ku fakaray ineysan ahayn
ayaa la wada rumaysan yahay.
Daarood! Waxaad mooda in aad iyo aad lagaaga caqli badiyey oo
waliba kaarkaagi lagu weydaarshay. Barnaamij la watay oo aysan
wax dan ah adiga iyo ummada Soomaaliyeedba ugu jirin ayaad iska
daba gashay, sidii xigmadii Soomaaliyeed ee ahayd: Dameeri dhaan
raacday.
Itoobiyaanki adiga kuu kabo galiyay soow kuwii markii danbe hoos
hoosta kuugu dhigay madaafiicda iyo xasuuqa ma ahayn? Haaa! Mise
waxaad leedahay anigu Koonfur degaan ahaan uma lihi, oo waxa dhimanaya
waa Hawiye!
Daaroodkan laguu sheegi waa kuwo hadey iyagu dhexdooda wax kasta
col ku yihiin laakin mar walba heshiis ku ah in wax kasta oo Somaliya
ku saabsan aysan iyaga dhaafin. Hadda waa wax walba hadey col
ku yihiin, arrimaha Somaliya ineysan dhaafin qof iyaga u dhashay
ayey aaminsan yihiin bal calaamada Ilaahay!
Daarood! Horte miyaaba ogtihiin, ileen hunguri mooyee mid miyir
leh maba aad tihidee, dhaqanka foosha xun leh ee siyaasada Somaliya
midka u badalay qabiil iyo inuu maamulka ummada Soomaaliyeed uu
yeesho qabiil, dadka keenay soo idinka maaha. Malaha maba ogid?
Daarood waa kuwo hantida Soomaaliyeed iyo Dawlada Soomaliyeed
qabiilka iyo eexada ku maamulaya, waxayna isu haystaan inay iyagu
yihiin dhiiga dhabta ee Soomaali wax ka noqon kara, waxay kaloo
ay aaminsan yihiin inay iyagu xaq u yeesheen maamulka Somaliya.
Kuwaasi waa kuwo aanad garan karayn wax ala waxa ay rabaan. Kuwaasi
waa kuwo saxareeyay qofkii fiicnaa ee Ilaahay u dhaliyay qabiilka
Daarood.
Kuwaasi waa kuwo qof kasta oo Soomaali ah oo siyaasada soo gala
aragtida uu dadkiisa iyo dalkiisa u leeyahay khariba.
Kuwaasi waa kuwo Dawladnimadii Maxamed Siyaad isa siiyay, tan
Cabdillahi Yuusufna isa siiyay, oo dhamaan dadkii Soomaaliyeed
ka xigsaday. Dadkan Daarood ee laguu
sheegi waa wax dhintay oo uray! Waxay isu maleeyaan cid kale oo
wax maamuli kartaa oo aan iyaga ahayn in aysan jirin. Waxay ila
tahay arrintaas iney khalad iyo gaf wayn tahay. Sababtoo ah ninkii
Soomaali ugu maamul fiicnaa intii talada dalka uu qabtay wuxuu
ahaa Aadan Cabdulle Cismaan oo hadii qabiil wax loo fiirinayo
ahaa nin Hawiye ah.
Kuwaasi waa kuwo ay Soomaalinimadu dhinac dhaaftay, oo Soomaalinimadii
sharafta lahayd ka doortay qabiilka yar ee ay u dhasheen, waa
kuwo uu Ilaahay iimaankii ka qaaday oo haddey ogyihiin waxa ay
isu gaysteen iyo waxa ay dhamaan ummada Soomaaliyeed u gaysteen
hal galin ah ma aysan joogeen ee malaha weyba haajiri lahaayeen.
Kuwaasi waa kuwo ay Soomaalinimadu ku yar tahay oo ay ku weyn
tahay qab xun oo aakharo iyo aduunba seejisay, oo waxaa ku weyn
qabiilka ay u dhasheen ee Daarood.
Kuwaasi uma maleeyaan inay dad kale oo iyaga oo kale ah jiraan.
Kuwaasi waa kuwo dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh ee Hawiyaha
ah ay yesi jireen natiijadeedina ay dhashay USC. Kuwaasi waxay
isu arkaan inay iyaga kaliyah ay yihiin dhiiga dhabta ah ee Soomaaliyeed.
Kuwaasi waa kuwo Somaliya ka xigsada qof kasta oo Soomaali ah.
Kuwaasi waa kuwo aaminsan inay iyaga kaliyah xaq u leeyihin maamulka
Somaliya. Kuwaasi waa kuwo Soomaali u horseedey Amxaaro. Kuwaas
siyaasiyiintoodu waxay ka mid yihiin kuwa Soomaali ka xumeeyay
aasaaskii Dawladnimo ee wax walba ka dhigay daneysi iyo in qabiilka
dabada la haysto.
Kuwaasi dan qabiil mooyee maxaa Soomaali u dan ah kuwa waligood
ku fakaray ineysan ahayn ayaa la wada rumaysan yahay.
Kuwaasi waa kuwo iyaga iyo awoowgoodba dilay qabiil, isla wayni,
magaagnimo, kali wax raadin, iyo qabyaaladayntii waligood lagu
yiqiinay.
Kuwaasi waa kuwo malaha haysta Diinta dhurwaaga, danaysi iyo hadba
wax aad la cararto oo aad qarsato mooyee ma wax kalaa lagugu yaqaan.
Waxaana la rumaysan yahay tan iyo maanta raadka qaloocan ee siyaasadeed
ee ay cid walba qaadeyso inuu kaagi caanka ahaa ee lagugu aqoon
jiray yahay.
Ummada Soomaaliyeed waxay saarantahay bas uu darawal ka yahay
nin uu Ilaahay xaalkiisa ogyahay, waa nin uu gumaystuhu soo tababaray
oo ummada kusoo dhex daayay, ninkaa magaciisa waxaa la yidhaah
Cabdullahi Yuusuf Axmed, oo waxa kaliyah oo uu yaqaano ama cilmi
u leeyahay ay tahay askarinimo, dib u jeeso, hob jac, laba kaclayn,
dhabar jabin, daba gal, qalajin, qaniinyo, kala ilaalin, isku
dir, amar qaado, isku dhufo, iyo in ala inta ibtilo ah ee Ilaahay
dunida dhigay.
Soomaaligoow! Ma ogtahay maanta Dunidu waxa ay kuu aragto? Dugaag
is cunaya oo is maamuli kari waayey wax aan ahayn miyaad tahay?
Somaliya oo Ilaahay ka dhigay korkeeda dalkii malabka iyo caanaha,
ciideedana Ilaahay dhigay Batroolka Bariga Dhexe ku jira oo dhan
mid ka tiro badan iyo macdan kala duwan oo tiro badan, ayaa calaamada
Ilaahay, dhulkaa ay wax walbaa ku jiraan wuxuu ku abuuray 6 Malyan
oo jahli iyo xasad awgii is xasuuqday oo dad isugu necbaatay.
Ariin Qosol Ah.
1940, Waagi ay dagaalamayeen reeraha ay ka kala dhasheen Cabdillahi
Yuusuf iyo Maxamed Faarax Caydiid oo kala ah Khalaf iyo Jalaf,
ayaa Talyaanigii gumaysan jiray ayeey cirro ka soo saareen oo
naftii u keeneen, markasta oo qof la dilo iyo midka wax dilaba
labadaas reer uun bay ahaan jireen. Talyaanigii markii uu ka yaabay
dhibkooda iyo kadeedkooda, ayuu wuxuu yidhi :- Khalaf & Jalaf
Dowe Bistirado (Farabuto). Oo macnaheedu yahay: Khalaf iyo Jalaf
waa laba wecel, isagoo ula jeeda laba dhib badan.
Cinwaanka qoraalkan iyo kii horeba
waaxaa iga caawiyay Qoraaga Abdullahi Dool.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com
|