Go,aan dacwad
ka dhan ah Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ilaa 150 xildhibaan
ay diyaariyeen.
Wararka ka imaanaya Magaalo Madaxda Gobolka Baay ee Baydhabo
ayaa sheegaya in la soo gunaanaday kulan ballaaran oo maalintii
shlaay oo dhan uga socday Huteelka Bakiin ee Magaaladaasi
Kulankaan oo saldhiggiisu ahaa difaacidda Raysul Wasaare
Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) iyo xukuumadda uu madaxda u
yahay ayaa difaaciddaasi ka sakoow waxaa lagu soo diyaariyay
mooshin ujeeddadiisu tahay in xilkaba loogaga xayuubiyo Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf Axmad.
Qaar ka mid ah xildhibaannada shalay ku shiray Huteelka Bakiin
ee Magaalada Baydho oo saxaafadda u faahfaahinayeen go,aannadooda
ayay ku sheegeen in a ay isla meel dhigeen in dhibaatooyinka
ay dowladda fedaraalka iyo dastuurkii ay soo dagsatabayba
ay u socon waayeen uu yahaay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf
Axmad.
Xildhibaannadaan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaannada kala
ah Xaabsade,Dhagdheer iyo kuwo kale ay diyaariyeen mooshinkii
lagula xisaabtami lahaa Madaxweynaha fartana loogaga saari
lahaa qaladaadka faraha badan ee uu ka galay dowladda fedaraalka
iyo Dalkaba.
Xildhibaan Dhagdheer ayaa si gaar ah u sheegay in mooshinka
ka dhanka ah Raysul Wasaare Nuur Cadde haatanna ka socda Baarlamaanka
xaataa haddii xilka loogaga qaado Raysul Wasaare Nuur Cadde
iyo Xukuumaddiisa uu ku xigi doon mooshinka la diyaariyay
ee ka dhanka ah Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayna u badan
tahay in xilka loogaga xayuubiyo markaas ka dibna muddo 30
cisho ah uu xilkaasi si ku meel gaar ah u sii hayn doono Guddoomiyaha
Baarlamaanka sida dastuurku uu qabo markaasi ka dibna uu Baarlamaanku
dooran doono Madaxweyne Cusub.
Mooshinadaan iska soo horjeeda ee xubnaha Baarlamaamka ka
kala imaanaya ayna ku kala taageerayaan Madaxweynaha iyo Raysul
Wasaaraha ayaa ku soo aadaya waqti Magaalada Addis sababa
shalay laga sheegay in lagu heshiisiiyay 2daasi Masuul.