Dagaal xoogan
oo saaka ka biloowday deegaanno ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Dagaal ballaaran una dhaxeeya Ciidamada Dowladda Ethiopia
iyo kuwa Dowladda Fedaraalka oo dhinac ah iyo xoogagga ka
soo horjeeda oo dhinac ah ayaa ah mid aad iyo aad u xoog badan
ilaa iyo haddan socda muddo ka badan 50 daqiiqo ,iyadoo xooggiisu
uu ka biloowday Xaruntii Saraakiisha Shiirkole.
Dagaalkaan oo wali aan warbixintiisa marka la eego khasaaraha
uu gaystay faahfaahin dheeraad ah laga haynin ayaa marka laga
tago dhinaca Shiirkale ee uu ka biloowday ka sakoow waxaa
uu ku faafay deegaanno kale oo ay ka mid yihiin Tarbuunka.
Khasaaraha dagaalkaan oo loo malaynayo in uu ballaarnaan doono
marka la eego muddada dheer ee uu socday iyo hubka aadka u culus
ee lays dhaafsanayo ayaan wararkeenna dambe haddii ALLAAH idmo
idin ugu soo gudbin doonno.