Tacsi tiiraanyo
leh ee Geerida Marxuum Ex G/le Cali Xaaji Jaabir.
Generaal Cabdirahmaan Warsame Cilmi (Caarre) iyo Gaashaanle
Sare Cabdullahi Warsame Xasan(Takar) oo ku hadlaya magacooda
iyo magacyada saaxiibadood meelkastoo ay joogaan waxay tacsi
tiiranyo leh u dirahayaan qoyskii, carruurtii,qarabadii iyo
saxiibadii uu ka geeriyodday Marxuum Ex Gashanle Sare Cali
Xaaji Jaabiri.
Allaha
u naxariistee Gashanle Sare Cali Xaaji Jaabiri waxuu ka mid
ahaa saraakiishii ciidankii Xoogga Dalka Somaliyeed dhidibada
loogugu,wuxuuna ahaa nin leh aqoon sare oo dhinacyo badan
ah.
Allaha ha u naxariistee Marxuum Ex-Gaashanle Sare Cali Xaaji
Jaabiri oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho waxaa geeridiisa
la ogaysiinayaa dhammaan qaraabadiisii iyo saaxibadiisiiba.