27/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada dawladda federalka oo saakay baaritaan ka bilaabay qeybo ka mid ah Degmada Waaberi iyo labo guddoomiye waaxeed oo midna la dilay midna la dhaawacay

Ciidamada dawladda federalka Soomaaliya ayaa waxay saakay aroortii hawl gallo baaritaan ah kula kallaheen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa saakay lagu arkayay jidcaddayaasha soo gala xaafadaha degmada Waaberi iyagoo sidoo kale baaritaan ku sameynayay guryaha ku yaalla xaafadahaasi.

Ma jiro ilaa iyo hadda cid ay ku soo qab-qabteen baaritaankaasi oo weli socda, waxayna wararku sheegayaan in inta badan dhallinyarada ku dhaqnaa xaafadaha degmada Waaberi ee uu baaritaanku ka socdo ay isaga carareen iyagoo ka cabsi qaba inay qab-qabasho iyo jirdil u geystaan ciidamada dawladda federalka Soomaaliya.

Dhinaca kale guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka Degmada Waaberi ayaa xalay kooxo hubeysan ku dileen degmada Waaberi kaasoo u geeriyooday dhowr xabbadood oo kala beegsadeen madaxa, iyadoo kaddib kooxihii dilka geystay ay goobtaasi ka baxsadeen.

Sidoo kale saakay waabarigii ayaa waxaa isagana dhaawaca xun loo geystay guddoomiye waaxeed kale oo ka tirsan degmada Waaberi kaasoo isagana ay dhaawaceen koox bastoolado ku hubeysan oo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®