27/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xalay bam lagu weeraray guri uu magaalada Baydhabo ka deggan yahay mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo wiilkiisiina uu ku geeriyoodey

Iyadoo ay isa soo tarayeen weerarada bambaanooyinka loo adeegsanayo ee lala bartilmaameedsanayo guryaha ay magaalada Baydhabo ka deggan yihiin xildhibaanada baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay bambo gacmeed lagu weeraray guriga Xildhibaan Xuseen Maxamed Raage oo ku yaalla duleedka bari ee magaalada Baydhabo.

Qaraxa bambaanadaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawaca iyo bur-bur soo gaaray guriga, inkastoo kooxihii bamka soo tuuray ay ka baxsadeen goobtaasi.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay labo qofood oo kala ah: wiil uu dhalay xildhibaanka iyo mid ka mid ah ilaaladiisa iyadoo sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray tiro kale oo dad ah oo gurigaasi ku sugnaa kuwaasoo dhaawacyadooda lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Baydhabo.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay xildhibaanka gurigiisa la weeraray iyadoo ay magaalada Baydhabo ku soo noq-noqdeen weerarada bambaano ee loo geysanayo guryaha ay magaalada Baydhabo ka deggan yihiin xildhibaanada baarlamaanka taasoo cabsi iyo wal-wal ku abuurtay mudanayaasha baarlamaanka oo intooda badan ku sugan gudaha magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®