Qarax saakay
lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo lug ku marayay agagaarka
Hotel Weheliye ee waddada Maka Al-Mukarrama
Saakay aroortii ayaa waxaa qarax miino lala beegsaday ciidamo
Itoobiyaan ah oo lugeynayay agagaarka Hotel Weheliye ee waddada
Maka Al-mukarrama kaasoo ay qasaaro ka soo gaartay ciidamada
Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen dad goobahaasi ka ag dhowaa.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee qaraxa lala beegsaday ayaa
waxay ka yimaadeen dhinaca Xarunta madaxtooyada kuna sii jeeday
fariisinta ay ku leeyihiin nawaaxigii gurigii hore ee shaqaalaha,
waxaana sida looga bartay ay ciidamadaasi subax walba baaritaan
ku sameeyaan waddada dheer ee isku xirta isgoysk KM4 ilaa
xarunta madaxtooyada.
Qaraxa kaddib ayaa ciidamada waxay bilaabeen inay rasaas
aan loo meel dayin furaan, iyadoo dadka deegaankaasi ku dhaqan
ay xaqiijiyeen in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ku dileen
labo qof oo rayid ah oo mid ka mid ah uu yahay oday da’
ah oo ka soo baxay gurigiisa una soo jeeday goob ganacsi oo
uu ku lahaa suuqa Bakaaraha.
Qaddar daqiiqado ah ayay ciidamada Itoobiya goobtaasi ka xayireen
dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, inkastoo markii dambe ay
halkaasi isaga tageen, jawiguna uu caadigiisii ku soo noqday.