Mas’uuliyiinta
sare ee DF oo dib ugu soo laabtay dalka, iyagoo ka soo wad
degan magaalada baydhabo
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
C/laahi Yusuf Axmed iiyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo guddoomiyeha
Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta dib ugu soo
laabtay dalka, iyagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha Magaalada
Baydhabo kadib markii Madaxweyne iyo Ra’isal wasaareha,
khihaafkoodii lagu soo xaliyay Magaalada Addis-Ababa ee xarunta
dalka Itoobiya.
Wararku waxa ay sheegayaan in sadexda Mas’uul si wayn
loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo kadib markii ay garoonka
uga hortageen tiro ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka, waxaana
mas’uuliyintaasi oo saxaafada la hadlayey ay sheegeen
in haatan la dhameeyey khilaafkoodii xaaladuna ay tahay mid
caadi ah.
imaanshaha ay magaalada Baydhabo ku yimaadeen saddexda mas’uul
ee ugu sareysa DF gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’isul
wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli xildhibaanada baarlamanka
ee ku sugan magaaladaasi oo la kala safan labada mas’uul
ay wadaan labo mowshin oo iska soo horjeeda, kuwaasoo ka dhan
ah madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha, salkana ku haya
khilaafka la xaliyey ee labada dhinac soo kala dhex galay, lamana
oga qaabka ay labada mas’uul uga dhaadhicin doonaan xildhibaanbada
kala taageersan ee mowshinada iyaga ka horjeeda la kala ordaya
sidii ay u joojin lahaayeen.