27/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wiil caseeye ah oo maanta oo maanta askar ka tirsan DF ay ku toogteen agagaarka isgoyska Zoope

Wiil yar oo caseeye ah ayaa lagu soo waramayaa in ciidamaad Booliska DF ay maanta ku toogteen agagaarka isgiyska Zoope oo ku yaala degmada wadajir ee magaalada Muqdisho sida dad goob joogayaal ah sheegeen.

Wiilkani ay dileen Ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dambeeyay kadib markii halkaasi ay baaritaanno xoogan ka wadeen maanta Ciidamadaasi.

Wiilkani oo ay Dileen Ciidamada dowladda Federaalka ayaa dadka halkaasi kusugnaa xilliga uu dilka dhacayay waxa ay sheegeen in uu ahaa caseeya inkastoo dadka aysan sheegin sababta dhabta ah ee dhalisay dilka wiilkaasi.

Waxa ay aheyd maalintii shalay markii Askari katirsan Ciidamada dowladda lagu dilay Goobta ay iyagu maanta kudileen wiilkaasi caseeyaha ahaa iyaga oo sidoo kale shalay galay Iskuul waxbarasho oo xaafaddaasi kuyaalla kadibna dhaawac u geystay qaar kamid ah ardaydii iyo macallimiintii iskuuladii ay galeen.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®