Dhibaatada colaadeed
Gaalkacyo oo wali xal loo layahay iyo is eedaynta Madaxweynayaasha
Gal Mudug iyo Puntland.
Wararka ka imaaanaya Magaalo Madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo
ayaa sheegaya in wali wax xal ah loo waysan yahay dhibaatooyinka
colaadeed ee waxeelada loogugu gaysanayo shacabka walaalaha
ah ee ku wada nool Magaaladaasi.
Dhibaatooyinkaan oo ay ka mid yihiin in muddo ka badan 14
cisho khafaal waqooyi iyo koofurta Magaalada Gaalkacyo loogu
kala haysto dad iyo gaadiid fara badan ayna wehliyaan dilal
iyo dhaawacyo isugu jira kuwo qorshaysan iyo kuwo burcadnimo
lanana xariirinayo khilaafka u dhaxeeya 2da maamul ee ka wada
jira Magaaladaasi kalana hoos taga dowlad goboleedyada Puntland
iyo Gal Mudug ayaa u muuqda in arrimahaasi dhibaato ay sii
xoogaysanayaan marba marka ka dambaysa wax xal ah oo wali
laga gaarayna aysan jirin.
Khilaafkaan iyo is inkiridda Maamullada ka wada jira Waqooyiga
iyo Koofurta ayaa waxaa tusaalihii ugu dambeeyay laga garan
karaa tusaalana loogaga soo qaadan karo hadalladii ka soo
kala yeeray madaxweynayaasha Puntland Gen Maxamuud Nuuse Xirsi
iyo Galmudug Dan jire Maxamed Warsame Cali(Kiimiko) oo isku
eedeeyeen nabad galyo xukumada ka jirta halkaasi iyo waliba
is kaashi la,aan baahsan oo ka muuqanaya hadallada madaxweynayaashaasi.
Madaxweyne Cadde Muuse ayaa dhinaca Gal Mudug sheegay in
uusan marna aqoonsan doonin iyadoo sababta uu ka dhagay in
Puntland ay aqoonsan tahay dowladda fedaraalka Gal Mudugna
aysan aqoonsanayn.dhibaatooyinka ay dhinacaasi gal mudug ay
ka tirsanayaanna ay wadaan dad ka yimid dibadaha sida uu hadalka
u dhigay isagoo aan caddaynin qaabka ay yihiin dhibaatooyinkaasi.
Dhinaca kalana Madaxweynaha Dowlad goboleedka Gal Mudug Danjire
Maxamed Warsame Cali(Kiikimo) ayaa dhankiisa sheegay in ay
san waqtigaan waqooyiga Gaalkacyo ka jirin maamul ka wakiil
ah puntland,dhibaatooyinka la doonayo in laga dhax abuuro
dadka walaalaha ah ee wada daga Gaalkacyana ay wadaan dad
aan u dhalan Gaalkacyo.
Hadaladaan is dafiridda iyo is eedaynta 2da Madaxweyne ee Puntland
iyo Gal Mudug Gel Maxmuud Muuse Xirsi Cadde iyo Danjire Maxamed
Warsame Cali(Kiimiko) oo arrimahaan ku muujiyeen waraysiyo ay
saxaafaddu la yeelatay iyagoo wada jooga Magaalada Jabuuti ayaa
xaaladaha khilaaf ee deegaankaasi ka sii dhigaya kuwo aan xalintoodu
wali dhawayn khatartoodana yeelan kara/.