28/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaal saaka ka dhacay degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho kana biloowday weerar lagu qaaday sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda fedaraalka.

Warar naga soo gaaray degmada Dhankeenleey ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka aroortii hore halkaasi uu ka dhacay dagaal dhaxmaray Ciidamada dowladda iyo xoogagga ka soo horjeeda.

Dagaalkaan oo dhacay waqti habeen wali ah salaaddii subax ka dib ayaa la sheegay in uu ka biloowday weerar lagu qaaday taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska dowladda fedaraalka ee degmadaasi.

Weerarkaan oo dhacay sidaan horayba u soo sheegnay waqti habeen ah haddana joogsaday ayaanay ilaa iyo hadda jirin faahfaahin dhammays tiran oo muujinaya khasaaraha dhacay,iyadoo aysan jirin wax warbixin ah oo muujinaya khasaaraha taliye ku xigeenkaasi ka soo gaaray weerarkaasi.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®