28/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Masuul ka tirsan Puntland oo sheegay in qafaalka lagu hayo Maraakiibta ay kaalin wayn ku leeyihiin Madaxda Maamulkaasi.

Wali waxaa ka socda xeebaha Maamulka Puntand qafaallo baahsan oo lagu haysto maraakiib aad u fara badan oo qaarkood halkaasi ay burcad badeed ku haystaan muddo ka badan 6 bilood.

Masuulkaan u hadlay dhinaca Puntland waliba Degmada Ayl oo ah saldhigga Qafaalka Maraakiibt ugu wayn ayaa sheegay in arrintaan aanay ilaa iyo hadda u muuqan mid wax laga qaban karo

Masuulkaan oo u waramayay warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in dhibaatooyinkaan wax ka qabasho la,aanteeda ay sabab u yihiin arrimo ay ugu horreeyaan Masuuliyiinta Ugu sarraysa Puntland oo xiriir la leh Kooxaha Burcad Badeedda ah.

Masuulkaan ka tirsan degmada Eyl ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlahaan qafaal ee lagu hayo Maraakiibta oo horseedeen sicir barar iyo nolol xumo saamyasay dadka deegaankaasi aysan dhammaanaynin ilaa doorasho cusub ay ka dhacdo deegaannada Puntland madax cusubna ay la wareegayso mamaulkaasi.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®