Digniino loo
jeediay dhinacyo kala duwan.
Iyadoo waqtigaan Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin dagaal,iskhilaaf,sicir
barar,bara kac iyo jiritaan xad gudubyo magaca diinta lagu
gaysanayo oo la kala tirsanayo ayaa waxaa soo baxaya wacdiyo
iyo muxaadarooyin is dhinac socda oo ay hormuud ka yihiin
culumo awdiin waa wayn oo ka tirsan kooxaha diinta islaamka
ee dalka ka jira.
Muxaadarooyinkaan oo ka dhacaya masaajidda waa wayn,dugsiyada,xaafadaha
qaarkood iyo goobo kale ayaa culumo awdiinka soo jeedinayaa
waxaa ay tilmaamo ka bixinayaan sida ay waqtigaan dalka Soomaaliya
waajibka uga tahay ka wada qayb qaadashada Jahaadka dalka
loogaga xoraynayo gumaysatada Gaalada Madoow ee Ethioia iyo
inta gacanta ku siinaysa gumaadka ay ciidamadeedu ka wadaan
Dalka Soomaaliya.
Culumo awdiinkaan ayaa muujinaya aragtiyo iska soo horjeeda
marka la eego qaabka loola dhaqmayo dadka lagu tuhmo in ay
la shaqeeyaan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa la mid ahba iyo
dowladdaba.
Qodobkaan oo u muuqda in uu yahay kan ugu culayska badan
ee waqtigaan ay ku salaysan yihiin muxaadarooyinka iyo wacdiyada
culumo awdiinkaasi ayaa qaarkood qabaan in dadkaasi aysan
jirin wax ay kaga duwan yihiin gaalada dalka ku soo duushay,ka
takhalusidda naftooda iyo qaadashada naftooduna ay bannaanaayso.
Marka la eego muxaadarooyinkaan ay qabanayaan culumo awdiinka
oo waqtigaan u muuqda kuwo si joogto ah loo qabanayo ayaa
waxaa dhanka kalana jira war bixinno soo baxaya oo sheegaya
in ay jiraan culumo awdiin qaba daliilo arrimahaasi ka dudan
aaminsanna in aan qof muslim ah ashaadanayana aanay diinta
Islaamku ogalayn in layska dilo hantidiisana layska qaato
,balse loo baahan yahay in arrintaasi loo celinayo culumoada
aqoonteeda u leh oo ka sii shuuraynaya ayna ka sii horraynayso
in dadka nuucaasi ah loo jeediyo su.aalo.caqli u celinno ,digniino
iyo talooyin la xariir a in xaqa la tuso laguna waaniyo in
ay isaga haraan gaalada iyo macoodaba ayna dhinac ka raacaan
jahaadka xaqa ah ee dalka loogaga xoraynayo Gumaysatada Ethiopia
iyo inta garabka ku siinaysa gardaradeeda gaalnimada iyo gumaysi
doonka ku salaysan.
Digniinaha ay culumo awdiinkaani u jeedinayaan naf ahaantooda
iyo tan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ee Mulimiinta ahba
ayaa waxaa ka mid ah in waajib muqadis ah ay ku tahay in naftooda,maalkooda
,aqoontooda iyo talooyinkoodaba ay ugaga qayb qaataan Jahaadka
xaqa ku ah diinta Islaamka ,iyagoo uga digeen in qofkii ka
qayb qaadan waaya jahaadkaan haatan socda ay diinta islaamku
ugu yaboohday caro ALLAAH iyo ku caasin Amarada Nabigeenna
Muxamed Nabad galyo iyo naxariis kordhiisaha ha noqotee.
Warbixinnada arrimahaan la xariira ee na soo gaaraya ayaa
waxaa ka mid ah in muxaadarooyinkaan qaarkood lagu sheegay
in Kulannadii lagu kala qaybtay Jabuuti ee koow iyo 2bo,kii
Sanca iyo Jalalaqsiba ay ahaayeen kuwo sirqoollo loogu dhigayo
habsami u socodka Jahaadka xaqa ku ah Diinta Islaamka ee haatan
ka socda dalka Soomaaliya
Digniinaha waanada wata ee ay soo jeedinayaan culumo awdiinkaan
qaarkood ayaa waxaa ka mid ah in cidkasta oo Ethiopia u shaqaysa
amaba dabo dhilif u noqota ay la kulmayaan dhibaatooyin waa
wayn oo ay ka mid yihiin in ay iyadu disho waxa kali ah oo ay
taqaannaa ay yihiin xabad