Madaxweyne
C/laahi Yuusuf oo sheegay in heshiiska ay soo saxiixeen isaga
iyo ra’iisul wasaare Nuur Cadde aanu saameyn ku yeelan
doonin mooshinka ka dhanka ra’iisul wasaaraha
Madaxweynaha dawladda federalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf
Axmed oo isaga iyo ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen
(Nuur Cadde) iyo guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe
ay shalay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay
ayaa ka dhawaajiyay in heshiiska ay soo kala saxiixdeen isaga
iyo ra’iisul wasaare Nuur Cadde aanu waxba ka beddeli
doonin mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha oo
ay wadaan xubno ka tirsan baarlamaanka federalka Soomaaliya.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in shaqsi ahaan khilaafkii
kala dhexeeyay ra’iisul wasaaraha uu soo afjarmay isla
markaana ay qodobo dhowr ah ku soo heshiiyeen, ha yeeshee
mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha uu halkiisii
taagan yahay oo aanay ka mid ahayn waxyaabaha la xalliyay
oo laysku soo af gartay.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in baarlamaanka uu
yahay hay’ad sharci dejineed oo koontaroosha tasarufaadka
iyo shaqada dawladda iyo xukuumadda, wuxuuna intaasi ku daray
in xildhibaanada ay xor u yihiin inay mooshin ka dhan ah ra’iisul
wasaaraha hor keenaan baarlamaanka.
Dhowaan ayay ahayd kulan ka dhacay xarunta ADC ee magaalada
Baydhabo oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad
ee baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ay xildhibaanada
baarlaamanka u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka mooshin ka
dhan ah ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
taasoo buuq iyo kala qeybsanaan ka dhex dhalisay baarlamaanka.
Prof. Dhalxa ayaa sheegay in mudanayaal badan oo ku xusnaa warqadda
loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka ay si cad u sheegeen in
laga been abuurtay oo aanay iyaga haba yaraatee waxba kala socon
arrintaasi, halka kuwo kalena ay sheegeen inay ka laabteen,
wuxuna intaasi ku daray in ay suurto gal tahay in haddii arrintu
sidaasi tahay uu meesha ka baxayo mooshinkaasi ka dhanka ah
ra’iisul wasaaraha.