Madaxda ugu
sarreysa dawladda federalka Soomaaliya oo lagu wado inay maanta
qudbado ka jeediyaan kulanka xubnaha baarlamaanka oo ka dhacaya
xaruntooda ADC
Waxaa saakay lagu wadaa in xarunta ADC oo ah hoolka ay ku
shiraan mudanayaasha baarlamaanka uu ka dhaco kulan ay ka
soo qeyb gelayaan madaxda ugu sarreysa dawladda federalka
Soomaaliya oo iyagu shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta
gobolka Bay.
Mudanayaasha baarlamaanka federalka Soomaaliya oo intooda
badan ay ku sugan yihiin magaalada Baydhabo ayaa saakay ku
sii qulqulaya xarunta ADC iyagoo aad u daneynaya ugana war
dhowraya qudbadaha ay halkaasi ka jeedin doonaan madaxweynaha
iyo ra’iisul wasaaraha.
Madaxweynaha dawladda federalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf
Axmed iyo ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa
lagu wadaa inay maanta baarlamaanka uga warbixiyaan safarkoodii
magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya iyo halka uu ku dambeeyay
khilaafkii u dhexeeyay labadooda.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Baydhabo
iyadoo ciidamada booliska dawladda federalka ee dhowaan lagu
soo tababaray dalka Itoobiya ay soo buux dhaafiyeen guud ahaanba
gudaha magaalada Baydhabo gaar ahaanna xarunta shirarka baarlamaanka
iyagoo aad u hubeysan.