28/08/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in dalalka reer galbeedka ay uga baxeen ballan ay horay u qaadeen ee la xiriirta inay taageerayaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi oo wareysi siinayay wargeyska Financial Times ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in ciidamadooda ku sugan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya aanay awood u lahayn inay halkaasi sii joogaan caqabado dhinaca dhaqaalaha ah awgood.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay iminka xukuumaddiisa qorsheyneyso qaabkii ay ciidamadeeda ugala soo bixi lahayd dalka Soomaaliya, isagoo taasi ku sababeeyay dhaqaalo darro soo wajahday ciidamadaasi.

Melles Zenawe ayaa sheegay in ballan qaadyo ay horay u sameeyeen dawladaha Yurub iyo Maraykanka ee la xiriirta taageeridda ciidamadooda ku sugan dalka Soomaaliya ay haatan u muuqdaan inay ka baxeen, sidaas darteedna aanay iyaga xukuumad ahaan awood u lahayn inay bixiyaan dhaqaalaha ay u baahan yihiin ciidamadaasi oo hawll gallo muhiim ah ka wada gudaha dalka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Melles Zenawe wuxuu sheegay in waxoogaa dhaqaale ah oo ay bixin jirtay dawladda Maraykanka ay haatan meesha ka baxday, dawladihi ballan qaadka u sameeyayna ay dhagaha ka fureysteen, wuxuuna intaasi ku daray in taasi ay ku qasbayso xukuumaddiisa inay ka fakarto qorshe la xiriira sidii ay ciidamadooda uga soo daabulan lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka
falaar.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®