Maleeshiyadii
uu horkacayay Col. Barre Hiiraale oo saakay isaga baxay Degmada
Baardheere ee gobolka Gedo
Maleeshiyadii uu hogaaminayay Col. Barre Aadan Shire (Barre
Hiiraale) oo looga soo awood roonaaday dagaal ay kula galeen
magaalada Kismaayo kooxaha Al-shabaab, labadii maalmood ee
ugu dambeysayna ku sugnaa gudaha degmada Baardheere ayaa saakay
guud ahaanba halkaasi isaga baxay.
Wararka laga helayo magaalada Baardheere ee xarunta gobolka
Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada uu horkacayay Col. Barre
Hiiraale oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay u sii jiheysteen
dhinaca degmada Doolow oo ku taalla xadka kala qeybiya Soomaaliya
iyo Itoobiya.
Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo maleeshiyada
uu wato ayaa ka bixitaankooda magaalada Baardheere waxa ay
ka dambeysay cadaadis ay ku saareen waxgaradka iyo odayaasha
beesha Sade ee ku aaddan in uu isaga baxo magaalada Baardheere
si loo baajiyo dagaal dhiig badan ku daata oo gudaha degmada
Baardheere ku dhex mara maleeshiyadiisa iyo kooxda Al-shabaab
oo iyagu gacanta ku haya Degmada Baardheere.
Sidoo kale ciidamadii ka tirsanaa xoogaga hubeysan ee Al-shabaab
ee baacsanayay maleeshiyada Col. Barre Hiiraale ayaa iyagana
lagu soo warramayaa inay u soo ruqaansadeen dhinaca degmada
Diinsoor ee gobolka Bay.
Waxaa saakay gudaha degmada Baardheere laga dareemayaa xaalad
deggenaansho iyadoo dadkii horay uga barakacay degmadaasi ay
haatan bilaabeen inay dib ugu soo noqdaan guryahooda, waxaana
sidoo kale saakay si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa ganacsiga,
dadka iyo gaadiidkaba.