Labo qof oo
walaalo ah oo mid yahay sheekh caan ah oo aano qabiil loogu
dilay deegaanka Yaaq-bari wayne ee degmada Wanlawayn
Koox dabley ah ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday isla
markaana dilay labo qofood oo walaalo oo ku sugnaa guryahooda
oo ku yaalla duleedka deegaanka Yaaq-bari wayne oo 20 km koonfur
galbeed kaga beegan degmada Wanlawayn ee gobolka Sh/hoose.
Labadan qofood ee walaalaha oo ay kooxahani hubeysan dileen
ayaa midkooda waxa uu yahay sheekh caan ahaa oo ka tirsanaa
culimaa’udiinka ugu waaweyn ee degmada Yaaq-bari wayne.
Dilka labadan qofood ee walaalaha ah ayaa waxa uu salka ku
hayaa aano qabiil oo beryahanba u dhexeysay labo beelood oo
halkaasi wada dega oo horay dhowr jeer sidan oo kale dad isaga
dilay.
Maydka labadan qofood ee xalay la dilay ayaa maanta lagu
wadaa in lagu aaso tuulada Yaaq-bari wayne ee degmada Wanlawayn
iyadoo dadka ku dhaqan deegaankaasi ay soo wajahday cabsi
aad u weyn ee la xiriirta saameynta ay ku yeelan karto dilka
loo geystay labadan qofood, waxaana tuulada Yaaq-bari wayne
laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo isu qaylo dhaamin
ay wadaan beelaha ay ka dhasheen labada qofood ee la dilay.
Dilka loo geystay labadan qofood ee salka ku haya aanada qabiil
ayaa ku soo beegmaya xilli ay deegaanadaasi intooda badan gacan
ku haynteeda la wareegeen xoogaga ka soo horjeeda joogitaanka
ciidamada Itoobiya iyo dawladda federalka, mana cadda tallaabada
ay xoogaggaasi hubeysan ka qaadan doonaan xiisada colaadeed
ee soo dhex cusboonaaday labadan beelood.