Nuur
Cadow Aashaa Odagu kaa Awood badan
Markaad
fiiriso Mowlaca Shiiq Muxudiin Celi, markaad fiiriso Madaxa
odayasha Mudulood,markaad fiiriso Madaxtooyada Reer Mahad, markaad
fiiriso Markada aan xorta aheyn, waxaa kusoo baxaaya sheeko
siyaasadeed mugweyn leh tasoo Faalada Falaar.com ay kasoo faagidoonto
hadba meeshey ugu gasho anagoo Farta Qalinka aanan kala cabsaneyn
waxeyna arinku ku guntanaaneysa sadax Bilqan kuwaa oo kala ah
Barasaab Bilqan,Barlamaan Bilqan,Banaankana Bilqan.
Nuur cade oo isagu ah raiisul wasaaraha DKMG
ayaa ku yimid qaab magacaabisa ah isagoo siyaabo badan laga
bixiyey qaab imaatinkiisii waxaase runta noqotay in uu yahay
oday aanan in badan ka aqoon dhaqamada ina Yeey waxaana durba
imaatinkiisii uu ka tagay Xaraf uu soo qortay Odaga C/laahi
Yusuf tasoo u ah sal dhig buuqan dadweynaha iska dayee dabeyluhu
warinayaan kasoo ah in wasiirka caafimaadka uu udhiibaa Wiilka
abtiga u ah ee kasoo jeeda Jufada Reer Agoon ee dhashay C/laahi
Yuusuf kasoo kayimid dalka Filand, wuxuuse ka doorbiday Korneyl
Nuur Cade in uusan Magacaabin Siid Cumar, midaa C/laahi Yusuf
waa ay ka careysiisay isagoo in badana kala showray Nuur Cade
meel marinta Magacaabistaa waxeyna noqotay adaa yiree ma`anaa
doortay.
C/laahi Yuusuf wixii markaa ka danbeeyey wuxuu
dareemay in hugun sal balaaran leh ay kusoo wadaan Nuur cade
iyo raga ku daaban kasoo ay kow ka yihiin Axmed C/salaanka aaminsan
in Itoobiya iyo Ameerikaba aanan looga dhaweyn iyo Yuusuf Garaad
oo isagu ku dhibciya tala iyo taageero Saxaafadeed iyadoo Madaxweynu
bilaabay kala jarka iyo isku geynta Xisaabaha Afar Sadax waxaana
jilibka laabay lataliya`yasha uu adeerka u yahay iyagoo is tusiyey
in wadaantoodii warma loola yimid kadib shirkii kala firdhiyey
Isbaheysiga ee jabuuti lagu qabtay shirkaa oo xuubka ka rogay
in shukaanta gaariga Nuur cade is baraayo in uu isagu wadi karo.
Banaanka Bilqan.
Kadib arima huursanaa iyo kala shaki ku saabsan
in ay naas nuujin heer sare ah ka helaan Axmed C/salaan raga
ka taliya shabeelada hoose ee uu kow ka yahay Nuuriya Cali faarax
kaaba Ciidankii Indha Cade ee marna isu badalay Shiiq Cimaamad
Huwan marka Sarkaal Booliisa markii horana ahaa Mooryaan Magaladiisii
kayimid ayaa banaanka is keenay kadib markii uu shanta farood
ay ula tageen ciidankii Copy Axmaaro ee dhawaantan laga keenay
Itoobiya kuwaa oo uu horboodaha ka yahay Daahir Maxamed Xirsi
waxaana Warbaahinta isugu goodiyey Madaxda ay u af duuban yihiin
Shacabka dulman ee Shabeelada Hoose iyo Daahir Maxamed Xirsi
Afayeenka Copy Axmaaro waxaana markiiba kaarkii walaalaha Mudug
ciyaaray C/laahi Yusuf isagoo si Wiifta ah Xilka looga qaaday
Nuuriye Cali faarax iyo Rijaalka Madiidinta u ah ee Cali ganey
iyadoo uu ku saxiixnaa xilka qadistaa C/di Qeybdiid, markaa
kadib waxaana kitaarka garaacday ragii joogay Shabeelada Hoose
iyagoo runta udhurtay tusayna Odagu in uusanba ka talin Gobolka
Qaniga ku ah Beeraha wixii horey loogu jilaayeyna ay aheyd sidii
aysan degaankaa uga bixi laheyn wiilasha galguduud iyagoo taa
ufuulay geed dheer iskana ilaaliyey in aysan la mid noqon Cirfihii
ka talin jiray Afgooye ee aqirkii ulaabtay Deegaankii uu udhashay
kana noqday Gudoomiye Dagmada Dhuusa mareeb walo Alshabaab uu
ushaqlan yahay ayna diidan yihiin Maamulkiisa.
Nuuriya
cali faarax iyo saxiibkii waxaa ay si bareera udiideen amaradii
uga yimid Qolada Kumeel gaarka ee dalka keentay Itoobiya iyagoo
sheegay in ay udhasheen degaanka tasoo aad loola fajacay walibana
si ay umuujiyaan in ay tageero heystaan isugu keenay xoogaa
dad ah oo ay kasoo uruuriyeen magalada caasimada u ah Gobolka
ee Marka waxeyna soo xirteen dharkii Ciidamada iyo Garaado iyagoo
sheegay in ay is difaacayaan waxaana xaalkaa C/laahi Yusuf udiyaariyey
tabo aan la ogeyn in uu ku guuleysandoono.
Barasaab Bilqan.
Markii uu dareemay Nuur Cade in Odagu usoofeysanayo
Mindiyo Dhaadheer ayuu isku dayey in uu soo hormariyaa Qorshayaal
uu horey uga dhawaajiyey ku xigeenkiisa ahna Gacantiisa midig
Axmed C/salaan, waxaana xilkii si tuurya ah looga qaaday Maxamed
Dheere oo la jaal ah Madaxweyne C/laahi Yusuf waxaana xalkii
urogmay markan "imataqaanidee ibaro Adeer" iyadoo
uu diiday in uu ansaxo xilka qaadistaa waliba si muujina wuxuu
C/laahi Yusuf soo saaray laba wareegto waxana xaalka ogaaday
intaan horey u ogeen iyadoo bahashu furka goosatay waxaana markiiba
is casilaad ku seyray Raiisul wasaraha wasiiradiisii intii badneyd
kuwaa oo horey jaal ula ahaa Madaxweynaha waxaana Madaxtooyada
Reer Mahad laga dareemay shirar badan iyadoo Cofeegu noqday
mid aan kala joogsan maskax kastana ay hindistaa sidii jilbaha
loogu socodsiin lahaa Korneylka Booliska ah, waxaa kala furmay
Muduloodkii tageersanaa Xukuumada Xabashida keentay iyadoo Gudoomiyaha
dhaqanka Muduloodna iska daa taleefan loo diree Maxamed dheere
shaqadiisii ka qabsaday kasoo gurigiisii laba habeen laga soo
waayey waxaana laba ku heshiin weysay kulankii ay isgu yimaadeen
Mudulood.
Mowlaca Shiiq Muxudiin celi laba inta isugu timid kuma abshireysan
sidii awal looga bartay in Shar iyo Qeyr wixii jiraa lagu fataxa
marto, waxaana ciyaarsiiska kasoo baxay Dhagaxtuur oo wayadan
waday is muujin isagoo bulaacada aan jirin dhisidooda isku mashquulinayey
kulana heshiiyey mid kamida idaacadaha Muqdisho in ay mashruucaa
u buun buuniso waxaana dhagax tuur loo magacabay xilkii uu sugaayey
anigoo ka hayaa mid kamida hogaamiya kooxeedyada ka baxsaday
qoladan KMG in uu yiri "Dhagax tuur isagaa Fuuq bixidoona"
tasoo uu iigu la macneeyey miinadan muqaawamada dhigtaa ee uu
ka qaxay in aysan gafeyn,waxaa xaalkii barasaabka noqday ciyaar
furan oo bilqan waxeyna Muqdisho wada martigalineysaa laba barasaab
oo kala tunweyn iyadoo jufada Maxamed dheere ee Warsangali la
ogyahay in ay tahay tan kaliya ee xiligan Hubeysan una badan
in ay tageerto qorshaha Gumeysiga halka Jufada Agoon yare ee
uu ka dhashay Dhagax tuur la ogyahay in ay Muqaawamo ku afar
afareysatay waxeyna xaalkaa u muuqataa mid kaa gacan dheeri
kusoo af xirmidoonta iyadoo Maxamed dheere Itoobiyaanka agtooda
uu ka yahay sharfane dalkiisa shaah siistay aadna looga tixgaliyo.
Barlamaan Bilqan.
Xilibaanada keenay Xabashida ee fadhigooda yahay
Magalada ay Kulaalaan xoogaga Xoreynta Dalka oo markey rabaana
kushka inta uga soo baxa kabtey bilataa ku ciyaara Baydhaba
bartankeeda ayaa waxaa ka bilowday sidii lagu yiqiin iyadoo
ay shaqadooda qabsanayaan raga Odaga halkaa ujooga waxaana Baydhabo
busaarada ka kiciyey Nuur cade hala ceebeeyo hana la tabco tabtii
lagu diri lahaa iyadoo qaar aan waligood ka hadal wabaahinta
iyo Barlamaan hadleen waxaana ka mid aheyd Nasra C/salaan C/di
katun oo ay soo wakiisheen kooxda abaabulan ee ku wajahan Nuur
cade waxeyna Nasra af adag ku sheegtay in Xukuumada loo qibleeyo
Iilka iyadoo sacab fara kutiris dhaafay loogu dhuftay, waxaa
Nuur cade ku bilowday dabridka Odaga tasoo wali ay uharsan tahay
Darbada ween madama Odagu horey uu ugu soo aalamiinteeyey Cali
Geedi.
Wuxuu Nuur Cade is tusiyey in waxa kaliya ee uu Odaga isaga
celin karo ay tahay in uu yiraahdaa shirkii Jabuuti ayey halis
galinayaan qolyaha dowladiisa eedeynaya isagoo kaarkaa siyaasadeed
raacsaday in meesha laga dhaleeceyey ee Baydhabo uu ka abaabulaa
in ay shir ku wada qabtaan laba wasiiradiisa ka mida kasoo mid
kamida ahaa saxiibada koowaad ee ay lacagta Canshuurta kasoo
gashaa ceyrin ku wada qeybsadaan C/laahi Yusuf kasoo ah Xaabsade
wuxuuna dareemay C/laahi in halkaa dhibic bisil looga qaatay
waxaana ku wehliyey shirkaa jaraaid ee lagu eedeeyey C/laahi
Yusuf Mustafe dhuxulow oo kamida wasiirada Nuur cade.
Hadaba dagaalkan sadaxda Bilqan ah waxaad moodaa sidii lagu
aqoon jiray ama looso joogay in uu Ilka ridan doono Bil iyo
laba Bil kadib hadana uu maraayo marxalad bisleyn ah waxaana
muuqata in Nuur cade uu is tusinayo in uu yahay kan bad baadiyey
Suuqa Bakaraha tasoo Muqaamadu libintaa been ku tilmaantay hadana
Nuur waxey ula muuqataa in Odaga uu ka guuleysan karo isagoo
tageera ka helaaya Yurubta Midowday iyo qaar badan oo uu ku
beer laxowsanayo in uu yahay shaqsigii suuragaliyey in uu Isbaheysiga
Garabka Jabuuti kasoo dajiyaa jaran jaradii ay saar nayeen balse
marka la eego Odaga waya aragnimada faala qoraha u leeyahay
wuxuu xaqiijinayaa in xabashidu kaga dhow yahay cid kasta tasoo
lagu ogaaday tijaabadeedii Cali geedi oo ay dad badan maleynayeen
in C/laahi albaabka laga xiran doono waxaana fala qoruhu leeyahay
mar hadii C/laahi Xabashidu heysto ninkii xabashi heystana Mareykan
heysto Nuur cadow Aashaa Odagu kaa Axmaarsan